OGAYSIIS OGAYSIIS
Gudida guud ee Horemarinta Waxbarsahada Allaybaday, waxay furtay
Koonto guud oo ka dhaxaysa laamaha dibada iyo gudahaba:
Kontada kunada macalimiinta
ee Hargeisa:
- Nummerka kontada wadankii: D0518l (Dahabshiil)
- Kontada waxaa mamula Gudida guud ee wadanka joogta
- Waa konto u dhexaysa dhamaan jaaliyadaha dibada
- Waa konto mushaarada/kunada iyo kobcinta waxbarashada degmada loo furay
- Laan walba oo dibada joogtaa waxay ku rideysaa lacag go,an oo loogu talo kalay mushaarada macalimiinta.
- Laanta
Norway waxay bil walba ku rideysa lacaga lacag go,an
Cidii danaysa horemarinta waxbarasha
allaybaday kontadaa ha isticmaasho.
Salaan gaar ah oo ka timid: Gudida
Norway, (Ali Ismail, Ismail Adur, Abdi Xaaji iyo Hassan Loyar)
Salaan gaar ka timid Gudida Wadankii
( Ahmed A. Bakaal, Abdirasaq Sh. Adan iyo Hassan A. Madar)
Sidaa iyo wado shaqayn wacan!
------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
GUDIDA HOREMARINTA
WAXBARASHADA DEGMADA ALLAYBADAY, LAANTA NORWAY
Kontada Gunada Macalimiinta,
Norway : 26850750253
Kontada
Dhisida Dugsiga Sarre , Norway: 16040711868
Kontada Gunada Macalimiinta,
Hargeisa : D0518l
Nagala
soo xidhiidh halkan: allaybaday
Amba emailka ah gurmad05@hotmail.com
 |
 |
 |
 |

|
 |
Guusha mar labaad u soo hoyatay umada reer Somaliland ee lagu xaliyey khilaafkii
ka dhashay furitaankii golaha wakiilada ee cusub 29/11/2005, taas oo ka turjumaysaa dhaqanka wacan nidaamka ee isku
tanaasulka xalinta khilaafaadka iyo hogaaminta midaysan ee Somaliland ku soo caano maashay” sidaana waxa yidhi komiishanka
qaranka Somaliland oo hanbalyo u diray dhamaanba xukuumad, xisbiyo iyo Guurtida, shacbiga Somaliland meelkasta oo ay ku nool
yihiin. Dec-06-2005 Hargeysa-(HWN)-Gudida
doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta si kor iyo laaba hanbalyo iyo bogaadin loogu tabinayo ugu diraya Golaha Guurtida
Somaliland, Golaha wakiilada cusub Somaliland, Golaha xukuumada iyo sadexda xisbi qaran ee Somaliland iyo dhamaanba
shacbi weynaha reer Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Hanbalyadaasi waxay daaran tahay guusha
mar labaad u soo hoyatay umada reer Somaliland ee lagu xaliyey khilaafkii ka dhashay furitaankii golaha wakiilada ee
cusub 29/11/2005, taas oo ka turjumaysaa dhaqanka wacan nidaamka ee isku tanaasulka xalinta khilaafaadka iyo hogaaminta
midaysan ee Somaliland ku soo caano maashay. Komiishan doorashooyinka qaranka Somaliland waxa uu marlabaad si
gaara u mahad celinaya golaha guurtida oo sidii looga bartay ka badbaadiyey dalka is-afgaran waa siyaasadeed sidoo kalena
u hogaansamay go’aanka dhexdhexaadinta ee Golaha Guurtida . |
Dawlada Somaliland iyo maamul Goboleedka puntland ayaa maanta is-dhaafsaday maxaabiis
ay ku kala qabsadeen dagaalkii ay isaga horymaadeen jiida Adhi-cadeeya. Dec-06-2005 Hargeysa-(HWN)-Dawlada
Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ayaa maanta lakala wareegay maxaabiis ay dagaalkii ka dhacay 29/10/2004 ay
isaga horyimaadeen jiida Adhi-cadeeya, ciidamada puntland iyo ciidamada Qaranka Somaliland. Maxaabiista
lays weydaarsaday ayaa 24 ayaa ahaa ciidamada qaranka Somaliland oo maanta laga sii daayey xabsiga magaalada Garoowe, halka
12 maxabiisa oo ka soo jeeday maamul goboleedka Putlang, laga siidaayey xabsiga mandheera ee magaalada Hargeysa. Talabadan
ayaa waxay ka danbeysay wada hadal u socday in mudo ahba labada dhinac, iyadoo munaasibada laysku dhaafsaday maxaabiista
ay kasoo qeyb galeen taliyaha ciidanka daraawiishta ee puntland Eng: c/laahi cali mire careef iyo taliyaha ciidanka qaranka
somliland Nuux Ismaaciil Taani, iyadoo isla maanta maxaabiista loo kala qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe. Talaabdanina
waxay xal u noqon kartaa khilaafka iyo muranka soo jitamayey ee u dhaxeeya labada dhinac. Sida ay wararku
nagu soo gadhayaan ayaa maxaabiista laga siidayey magaalada Hargeysa ayaa daboolka ka qaaday inaan wax dhibaato ah loo geysan
intii ay xabsiga garoowe ay ku jireen, iyana maxaabiistii laga siidaayey xabsiga mandheera ayaa carababay inaan wax dhibaato
ah loo gaysan intii ay xabsiga ay ku sugnaayeen. Wararka naga soo gaadhaya munaasibadii lagula kala wareegay
maxaabiista ayaa labada dhinacba ay ku heshiiyeen inay hore u anba qaadi doonaan dadaal nabadeed oo lagu doonayo in lagu soo
afjaro dooda u dhaxaysa labada dhinac Maamul goboleedka puntlan iyo jamhuuriyada Somaliland ee Gobolka SOOL. Talabada
labaad ee la filayo inay qadan inay noqondoonto kala qaadista labada ciidan si loo fadhiisto wada hadal iyo weliba sidii Gobolka
nabad loogu soo dabaali lahaa iyo weliba sidii loo soo nolayn lahaa ganacsigii labada dhinac. 4 wasiir oo ka
tirsan maalul goboleedka puntland oo ka qeyb galay munaasibadii laysku dhaafsanayey ciidamada ayaa ku baaqay baaq nabadeed
taas oo salka ku haysaa muranka ka taagan xuduudaha ay labada dhinac isku hayaan. Dhinaca kale waxa siidaynta
maxaabiista gacan laxad leh ka geysatay haayado aad u tirobadan oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqal iinsaanka. “Badbaadadeena qarankeena inaan waxyaabo badan darteed u yeelno ayey noqotay, waxaanu garanay bal si
looga ilaaliyo qarankeenan oo aan loo odhan waa lays haystaa oo aan sawirka meelo kale oo jaarkeena ka taagan aynaan inagu
u yeelan xukuumad ahaan waxaan garanay go’aanka geesinimada inaan garano oo aan sida ku aqbalno, shirgudoonkiina hada
waanu aragnay waanu u hanbalyeynay golaha 82-gana marti-qaad ayaan u fidindoona hadii ilaahay yidhaahdo”sidanaa waxa
yidhi madaxweynaha Somaliland oo shirjaraa’iid maanta qabtay. Dec-06-2005 Hargeysa-(HWN)-Madaxweynaha
jamhuuriyada Somaliland md, Daahir Rayaale Kaahin ayaa shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ka dib markii ay Golaha Guurtida
jamhuuriyada Somaliland ay ku dhawaaqeen go’aankii dhexdhexaadinta xukuumada iyo isbahaysiga xisbiyada mucaaridka, oo
ay go’aamiyeen xunihii maalintii salaasada ahayd la doortay 29/11/2005 ay yihiin sidoodii oo aan waxba laga bedelin. Ayaa
waxa uu hanbalyo u diray sadexda xubnood ee loo doortay hogaaminta golaha wakiilada ahna shirgudoonka cusub ee golaha wakiilada. Waxaana
madaxweynaha hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi sidan:- “ badbaadadeena qarankeena inaan waxyaabo badan darteed
u yeelno ayey noqotay, waxaanu garanay bal si looga ilaaliyo qarankeenan oo aan loo odhan waa lays haystaa oo aan sawirka
meelo kale oo jaarkeena ka taagan aynaan inagu u yeedhan xukuumad ahaan waxaan garanay go’aanka geesinimada inaan garano
oo aan sida ku aqbalno, shirgudoonkiina hada waanu aragnay waanu u hanbalyeynay golaha 82-gana marti-qaad ayaan u fidindoona
hadii ilaahay yidhaahdo. Somaliland waxaan isleeyahay wax kaga xumaanay go’aanka aynu qaadanay majiro,
go’aankaasna waxaan u yeelnay danta somliland golahayagaana waxaan kula dardaarmaynaa inay wakiilada qaranka ahaadaan
oo ay isku xidhnaadaan xisbiyo ha ka yimaadaan laakin iyagaa gole wakiilo wada ah khilaaf la’aan, waxaanan qabaa xukuumada
ahaan inay noo tahay geesinimo dheeraadaa inaan ogolaano xisbiyada mucaaridka inay sadexdii chairkiiba ay hayaan ceeb uma
arko gesinomo dheeraada ayaan u arkaa cabasho iyo waxbadan oo ay sheegayeen halkaas inay kaga hadhaan ayaan soo jeedinayaa,
marhadii ay kaalintaa ku fadhiisteen waxaan u arkaa inuu qaranku mid qudhaata wada yahay halugu jiro xisbi mucaarida ama mid
xukuumiya ana inaan u wada madaxweynaha ahay waanigii ballan qaaday inaan si xishmad iyo karaamo leh cidii ay taladu ku dhamaato
aan ula shaqeyndoono tii uunbaan fulindoona, Somaliland-na waxaan leeyahay guud ahaan waan u hanbalyeynayaa” sidaana
waxa yidhi madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland md: Daahir Rayaale Kaahi oo shirjaraa’id oo uu hanbalyo ugu dirayey
xubnihii shirgudoonka ee la dootya maanka ku qabtay qasrigiisa madaxtooyada Somaliland |
Ergadii Golaha Guurtida oo ku dhawaaqday maanta
Go’aankii ay ka soo saareen dhexdhexaadintii xukuumada iyo mucaaridka iyo madaxweynaha oo hanbalyey xubnihii mucaaridka
ahaa ee loo doortay shirgudoonka. Dec-06-2005
Hargeysa-(HWN)-Ergadii
Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland ee dhexdhexadinaysay mucaaridka iyo xukuumada madaxweyne Rayaale, ayaa maanta ku dhawaaqay
qararkii ay ka soo saareen dhexdhexaadintoodii iyo madaxweyne Rayaale oo ku taageeray go’ankaasi, hanbalyeyna xunihii
mucaaridka ee noqday shirgudoonka. Shirjaraa’id oo ay saaka ku qabteen Xarunta Golaha Guurtida Somaliland
, ayaa waxa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guuritida jamhuuriyada Somaliland , Md. Saleebaan Maxamuud Aadan
(Saleebaan Gaal), oo madashaasi ka sheegay in ay go’aansadeen in ay taageeraan Doorashadii Mudanayaasha Mucaaradka
ku doorteen salaasadii, 29 Novemer, Xubnaha Shirguddoonka ee kala ahaa:-
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro (Guddoomiye) kana soo
baxay xisbiga UCID Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye ku-xigeenka 1aad kana soo baxay KULMIYE Iyo Baashe Maxamed
Yuusuf – Guddoomiye ku-xigeenka 2aad kana soo baxay KULMIYE Waxa uu Saleebaan Gaal sheegay in go’aankoodani
ay ula tageen Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland md:Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf
Yaasin, oo uu sheegay in ay ku qanceen dhexdhexaadinta . Waxana uu Saleebaan Gaal intaas ku daray in Madaxweynaha
iyo Madaxweyne ku-xigeenkuba ay ergada ku tilmaameen in ay dhinac u rareen dhexdhexaadinta, haddana ay ku qanacsanyihiin. Dhinaca
kale shir jaraa’id oo uu ka dib markii ay ergadii guurtidu ay soo geba gabeyeen ayaa madaxweynaha Somaliland ku qabtay
xafiiskiisa oo uu ku hanbalyey sadexdii xubnood ee shirgudoonka loo doortay. Arintan ayaa ahayd mid looga fadhiyey
madaxweynaha Somaliland inuu sidaa ku dhaqaaqo. Wixii
intaa ka soo kordha waanu idin soo gudbindoona hadii alle idmo.
Mustafa Janale
Hargeysa,Somaliland.
xidhinta Reporter
|
| | |
| | |
|
 
Wafti balaadhan oo uu horkacayo musharaxa ruug cadaaga ah ee musharax MAXAMED ODOWAA CIGAAL ayaa galabta siwayn loogusoo
dhaweeyay degmda ALLAYABDAY iyo deegaanada hoos yimaada. Waftiga oo aroortii hore ee saaka ka ambabaxay caasimada somaliland
ee Hargaysa ayaa ka koobnaa, masuuliyiinta suuga ganacsiga ee gabino, cuqaal deegaanka iyo tageerayaal aad utiro badan oo
watay koloyo baabuur ah. waftiga oo cagta saaray wada laamiga ah ee galbeedka magaalada Hargaysa ayaa ololahooda kabilaabay
maglaada Arabsiyo iyo nawaaxigeeda oo waftiga aad looguso dhaweeyay. waftigu waxa ay ugasii gudbeen deegaanada GEED ABEERA,
ISKAASHATADA, XIDHINTA, DHADHAARO, iyo TAYSA. iyadoo waftigu mar walba meel fagaare ah kala hadlay dadwenihii soo dhaweeyay.
Ugu
dambayntii waftigu waxay u sii gudbeen degmada ALLAYBADAY oo uu bar tilmaameedkoodu ahaa, waxaana waftiga meel 36 km dhinaca
waqooyi kaxiga degmada ALLAYABDAY kaga hor yimid taageeraayal aad utio badan oo watay koloyo baabuur ah, isla markaana lulalay
calanka xisbiga UDUB iyo sawirka musharax MAXAMED ODOWAA CIGAAL oo lagu tilmaamo musharax hantiyay guud ahaanba dadweynaha
deegaanka ALLAYABDAY oo uu kashraxan yahay. Maayarka degamda ALLAYBADAY XASAN CABDI CALI iyo masuuliyiin karirsan degmda ayaa
waftiga gacmo furan kusoo dhaweeyay. waxaana lafilayaa in ay mudo kusugnaadaan degmada iyo deegaanada hoos yimaada, maalinta
bari ahna ay meel fagare ah kalahadlaan dadwenaha degmada Allaybaday.
|
  Mooryaantu waxay ka timi derbi-jiif koriimo waayey….
Munaasibad balaadhan oo dhaqaale
loogu ururinayo caruurta da’da yar ee derbi-jiif ka ah si wax looga bedelo dhibaatada dhinacyada nolosha ee haysata
ayaa maanta lagu qabtay Hotel City plaza Burco.
Munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen urur wadani ah oo loo
yaqaano SOYVO, isla markaana ay ka qayb galeen madaxda maamulka gobolka Togdheer, ganacsato calculus, abwaano, murashaxiin,
culimo, hay’adaha samafalka iyo ururo wadani ah waxaa ujeedada looga jeeda ay tahay sidii loogu naxariisan lahaa caruurta
aan qaan-gaadhka ahayn ee ku darxumaysan suuqyada magaalada Burco si ay u helaan fursado loogu toosinaayo mustaqbalkooda dhinaca
nololasha iyo waxbrashadaba.
Dawlada
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere iyo duqa
magaalada Burco Cabdi Axmed Iidle oo kulankaasi furay ayaa kaga dhawaaqay in ay dawlada ahaan arintani tahay mid loo jiidh
naxo, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda qaataan oo layska jaheeyo quwadan inagu soo fool leh inta aanay mushkilad
kale soo kordhin “ waan sugayey in ay reer Burco Havayoco oo kale u soo baxdo” ayuu ydihi gudoomiyaha gobolka
Togdheer oo ka hadlaayey arintan .
Hadraawi Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa isaguna soo dhaweeyey
dadaalka Ururka Soyvo ay ku dhaqaaqeen waxaannu xusay in ay dhalinyaradani haddii aan maanta laga leexin wada ay hayaan ay
xadhiga goosan doonaan isla markaana sidii muqdisho ay fursad u heli doonaan in ay wax dhacaan, xadaan amaba ay dilaan “
mooryaantu wax kale maaha ee derbi-jiif waynaaday” ayuu yidhi
Caruurta Agaasimaha ururka Soyvo Aadan
Ismaaciil Geedi ayaa isaguna xusay
Inyar inay dhibaatadan ka dib markii ay la kulmeen 82 xunbood oo caruurtan oo kale
ah kuwaasi oo 34 ka mid ahi aayanay lahayn waalid, halka ay 13 ka mid ahina ay qoyskoodi burburay, sidookalena 35 kalena ay
yihiin sabool aan awoodi Karin quudkooda iyo waxbarashadooda.
Mr. Geedo waxa kale oo sheegay in barnaamijkan
ay bilaabeen June 04, ayna ku dhalisay khibrada kale oo ay ka helaan ururada dhigooda ah ee wadamada Uganda, Kenya iyo Itoobiya,
islamarkaana ay ilaa xiligaasna wax ka qabteen dugsi waxbrasho aan lacag ahayn oo ay u fureen ardaydan, iyo koox la socoda
dhalinyaradan xaaladooda oo ay u abuureen.
Dhaqaalaha la bixiyay
Munaasabadan oo ahayd tii ugu
horeysay ee lagaga hadlayo arimaha caruurta waxaa lagaga yaboohay maaliyad loogu talo galay in ay ururkani kusii wadaan hawlaha
daryeelka ah ee ay caruurtan u hayaan, iyadoo dadka lacagahaa ku yaboohay ay ka mid ahaayeen shirkadda Dahabshiil $1000, Gabootka
Sonyo $500, Gabootka Sahan $200, Faaduma Cali Shookare $200, laba murashax ee kala ah Naasir X.Cali Shire iyo Maxamed Cumar
Saynweyne oo ku deeqay min $100, halka xildhibaan C/raxmaan Maxamed Casoowe uu ku deeqay $100 iyadoo ay jireen xubno ku yaboohay
lacago qarsoon oo aan shaacin cadadkeeda oo ka mid ahaa mulkiilaha Hotel City Plaza.
Dhinaca kale waxaa kale
oo munaasabadaa gebagebadeedii ururka Soyvo uu ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubno ka mid ah marti sharfkii ka qayb gashay
oo ka mid ahaayeen ururka dhaqanka ee Irido Furan, maamulka hotel City Plaza iyo gudidda madaxa banaan ee mashaariicda.
Reported
by Yusuf Ilkacase (Burco)
|
Allay-Badday: Magaalo Go’doon Ka Ah Warbaahinta Somaliland, Laakiin Laga Dhegeysto Idaacadda Djibouti |
Warbixin- Weriye Haatuf Ka Tirsan
Allay-badday, May,22,2005 (Haatuf) – Duruufo nololeed, xaalado siyaasadeed iyo muuqaalo
kale oo kala duwan ayaa ka jira degmada la yidhaahdo Allay-badday ee ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, magaalada
Hargeysana dhinaca koonfur-galbeed ka xigta qiyaas ilaa 85 Km ah, laakiin Weriye Haatuf ka tirsan ayaa dhowaan socdaal ku
tegay magaalada Allay-badday, ka dibna war-bixin ka diyaariyey waxyaabihii uu degaankaa ku soo arkay iyo jawigii siyaasadeed
ee maalintaa ka taagnaa, waana tan war-bixintii:
“Allay-badday waxay ka tirsan tahay gobolka Hargeysa, waxaana markii u horaysay sannadkii
2002 bishii Febarweri loogu dhawaaqay inay degmo tahay, balse waxay ka mid tahay degmooyin badan oo la magacaabay sannadihii
sagaashamaadkii, laakiin aanu baarlamaanku weli ansixin degmonimadeeda. Markase la eego baaxadda degaanka ay ku fadhido iyo
wax soo saarkeeda waxa la odhan karaa waa meel yeellan karta itaal degmonimo, isla markaana dhinaca dhinacyada jograafiga
iyo siyaasadda waxay u egtahay bog-cad muhim ah.
11-kii May, 2005 ayey ahayd maalintii aan magaalada Allay-badday booqday, waxaana maalintaa
magaalada Allay-badday iyaguna socdaal ku tegay wefti ka socda xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo uu hogaaminayey ninka la
yidhaahdo Sh. C/casiis Samaale oo ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee xisbigaa, iyadoo ay weftiga Kulmiye halkaa kaga qayb galeen
xaflad loo sameeyey dad ku soo biiray xisbiga Kulmiye oo ka soo baxay xisbiga UDUB, isla markaana waxa dhinaca kale la odhan
karaa qolada Kulmiye ka qayb galka xafladdaa ka sokow socdaalkooda Allay-badday waxa uu ahaa mid dabada ku haya dhaqdhaqaaqyo
siyaasadeed oo ay ku daba-gurayeen qolada xisbiga UDUB oo mudooyinkan dambe raadkoodu ku badnaa degaanka Allay-badday, iyadoo
ay Allay-badday ka mid ahayd meelihii uu xisbiga Kulmiye codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii dalka ka dhacay.
Maalinta aanu tagnay Allay-badday waxay ahayd maalin ay roobab da’ayaan, waxayna degaamada
aanu sii marnay ahaayeen kuwo ay aad u maansheeyeen roobabka Gu’gu oo barwaaqo ah, indhuhuna ay aad ugu il-doogsanayaan,
xareedduna meelkasta ay wadhan tahay, isla markaana marka aad magaalada Hargeysa ka baqoosho ee aad u socoto degaanka Allay-badday
wadada laamiga ah waxaad kaga leexanaysaa tuulada la yidhaahdo Abaarso, ka dibna waxay baabuurtu cagta saaraan waddo-budul
raf ah oo ay gaadiidku dhibaato badan kala kulmaan, isla markaana dhulku waa carro-madow ay xiliyada roobabka dhiiqadu ku
badan tahay, isla markaan dhoobada ka sokow waxa wadada si weyn u dhaawacay roobabka oo ka jeexay bohollo iyo laago biyo-mareeno
ah. Laakiin dhawr waddo mid uun baa la maraa marka lagu socda Allay-badday, ismase dhaamaan wadooyinkaasi, sidaa darteedna
magaalada 85-Km u jirta Hargeysa waxaanu u sii soconay muddo 4 saacadood ah, sababtuna waxay ahayd waddo-xumo, waddo-xumaduna
waxay ka mid tahay dhibaatooyunka ugu darran ee haysta dadka degaankaa ku dhaqan oo u badan dad beeraley ah.
Magaalada Allay-badday waa magaalo balaadhan, ayna ku nool kumanaan dad ahi, dadka degaamadaa
ku dhaqanina waxay isugu jiraan beeraley iyo xoolo-dhaqato.Magaaladu waxay ka jira maamul dawlad hoose, waxaana isaga sareeya
laba nin oo kala ah gudoomiye iyo gudoomiye-kuxigeen, laakiin inkasta oo ay degmo ku magacaaban tahay, hadana waxay si hoos
tagtaa degmada Gebilay, waxayna leedahay rug bilays, iskuul H/dhexe iyo MCH, nolosha dadkuna waxay intooda badan ku xidhan
tahay wax soo saarka beeraha, waxayna dadk iyo xooloba ka cabaan balliyo ay ku dhacaan xareedda roobabku, balse maadaama ay
biyaha balliyadaasi yihiin biyo roobaad had iyo goor ma raago cimrigoodu. Waxayse magaaladu lahaan jirtay laba ceel oo riigag
ah, laakiin labadaa ceel mid ka mid ah waxa ka burburiyey ciidamadii dawladdii Siyaad Barre, iyadoo Allay-badday lagu tiriyo
degaamada sida weyn u taageeri jiray halgankii hubaysnaa ee uu ururka snm la galay taliskii Siyaad Barre. Sidaa darteed dadka
reer Allay-badday marka uu jiilaalku dheeraado ee ay balliyadu gudhaan waxay cabaan oo biyo u ah halka ceel ee riigga ah,
balse ay ii sheegeen ceelkaasi kuma filna.
Sida ay ii sheegeen reer Allay-badday masuuliyiin sar-sare oo ka mid ah xukuumadda Somaliland
oo uu Madaxweyne Rayaale kow ka yahay ayaa marar badan u ballanqaaday inay dib u dhis ku samayn doonaan ceelka labaad ee dunsan,
iyadoo uu madaxweyne rayaale ayaamihii uu socday ololihii doorashadu uu degaankaa socdaalkaa ku tegay, ayna waxyaabihii u
ballanqaaday ka mid ahaayeen dib udhiska ceelkaa iyo waxyaabo kale.
Dhinaca caafimaadka marka la eego waxa dadka degaankaa fara-baas ku haya xanuunka duumada,
iyadoo ay kaneeco xoog lihi ka dhalatay meelaha biyo-fadhiisinka ah ee degaankaa, waxaana Allay-badday iyo degaamada kale
ee ku xeerran ku badan balliyada iyo meelaha biyo-fadhiisinka ah, isla markaana Allay-badday ma laha cusbitaal daboola baahida
caafimaad ee dadka degaankaa, waxaana xarun caafimaad u ah hal MCH, wuxuuna maamulaha MCH-kaas Cabdalle Maxamaed Daa’uud
noo sheegay in xanuunka ugu badan ee dadka degaankaa ku dhacaa uu yahay duumada ama malaariyada, isaga oo sheegay inay tusaale
ahaan sannadkii hore xanuunka duumada ka daweeyeen ilaa 300 qof, ayna u dhinteen ilaa 22 qof. “Inkasta oo aanu dedaal
badan ugu jirno la dagaalanka malaariyada, haddana waxa nagu yar daawooyinkii aanu kaga hortegi lahayn, isla markaana waxa
uu intaa raaciyey inay hayadda UNICEF berigii hore ka caawin jirtay dhinaca daawada, balse ay ka joojisay, balse ay hay’adda
WHO ka helaan waxoogaa daawo ah.
Dhinaca waxbarashada degmada Allay-badday waxa ku yaal dugsi H/Dhexe, waxaana hadda dhigta
300 arday oo 30 ka mid ahi gabdho yihiin, sidaana waxa ii sheegay maamulaha dugsigaa Cabdi Maal Cumar.dugsigaas oo ah mid
uu dhismihiisu gaboobay waxa uu ka kooban 8 fasal, waxaana wax ka dhiga 6 macalin, isla markaana waxa uu dugsigani u baahan
yahay dayactir weyn in lagu sameeyo. “Dugsigu wuxuu u baahan yahay in la balaadhiyo oo lagu daro qaybo kale, waayo ardaydu
marka ay dhamaystaan fasalada dhexe waxaanu u bedelnaa Hargeysa iyo Gebilay, waxaase jira qoysas badan oo aan taa awoodi karin”
ayuu yidhi maamulaha dugsigaasi. Degmadu waxay qani ku tahay dhinaca wax soo saarka beeraha, gaar ahaan khudaarta, waqtigan
xaadirka ahse kama jiro dhaqdhaqaaq ganacsi oo xaammi ahi, waxaana la sheegay waddo-xumada awgeed inuu ganacsigu inta badan
u wareegay dhinaca tog-wajaale, hase yeeshee waxa magaalada Allay-badday ka gud-ba oo ay marrin u tahay gaadiid waaweyn oo
xamuul ah oo sida badeecado ganacsi, kuwaas oo ay intooda badani ka yimaadaan degaamada maamul-goboleedka Puntland, qaarna
ay ka tagaan dhinaca Somaliland, waxaanuna maalintii aanu tagnay kula kulannay baabuur waaweyn oo badeecado sidda, kuwaas
oo ay qaarna ka yimaadeen dhinaca Berbera, ayna siddeen badeecado raashin u badan, qaarna ay ka yimaadeen dhinaca Itoobiya
oo ay siddaan khudaar, gaar ahaan Baradho.
Muddo ilaa laba caana-maal ah ayaanu joognay magaalada Allay-badday, waxaana muuqday dhaqdhaqaaqyo
iyo dareemo siyaasiya.Qolada Kulmiye ayaa wadday dhaqdhaqaaq ugu badan, waxayna ahayd sheekada ugu weyn ee waddeen qaabilaadda
kooxda kaga soo biirtay dhinaca UDUB, laakiin xukuumadda lafteeda waxa ka muuqday dhaqdhaqaaqyo aad moodo inay kaga jawaabayso
xarakaadka ay meesha ka wadaan qolada Kulmiye.
Laba nin oo la kala yidhaahdo Mataan Ibraahin iyo Cabdi Muxumed ayaa maalintii aanu joognay
la xidh-xidhay, labadaa nin waxa la sheegay inay ka tirsanaayeen golaha dhexe ee xisbiga UDUB, balse ay maalmahaa qorshaynayeen
inay ku biiraan xisbiga Kulmiye, ayna ka mid ahaayeen kooxda ay qolada Kulmiye xafladda u sameeyeen, waxayna ehliyadda labadaa
nin tuhunsanaayeen in sababta loo xidhay ay tahay inaanay ka qayb gelin xafladda loo samaynayo kooxda Kulmiye ku biirtay.
Laakiin taliyaha rugta bilayska Allay-badday oo aan wax ka waydiiyey xadhiga labadaa nin ayaa taa beeniyey, sababta xadhigoodana
ku tilmaamay mid la xidhiidha kiisas hore oo la xidhiidha arimo dhul iyo dad ay damiinteen.
Inkasta oo uu maalmahaa Allay-badday ka jiray jawi siyaasadeed xaammi ahi, hadana may dhicin
wax buuq iyo rabshado ah middina, iyadoo ay ciidamada bileysku goobtii xafladda gaaf-wareegayeen si ay ilaaliyaan amniga.Xafladda
isu soo baxa ah ee ay sameeyeen qolada Kulmiye marka laga yimaaddo arimaha dhinaca siyaasadda arinta ugu muhimsan ee ay dadkii
halkaa ka hadlay inta badan carrabka ku dhufteen waxay ahayd jid-xummadda haysata degaankaa, taas oo ay dadkii halkaa ka hadlay
ku dhaliileen xukuumadda madaxweyne Rayaale, oo ay yidhaahdeen waxay fullin-waayeen ballanqaadyo ay hore u qaadeen oo ahaa
inay wadadaa samaynayaan.
“Xukuumadda waxaan leeyahay wixii ay lahaayeen waxaanu waddo ugu samaynaynaa haku dhiseen
Cali-dhooqo iyo caasimadda kala go’an”, sidaa waxa yidhi Aadan X. Ismaaciil (Ina xaaji gaydh).Intii aanu jidka
sii soconay ama soo soconay waxa ka mid ahaa meelaha kale ee aanu ku hakanay tuulada la yidhaahdo Waalid-xoor, waxaana tuuladaa
ku yaalay masaajid qabyo ah oo saqafka sare ka maqan yahay, taas oo ay dadka tuuladaasi sheegeen inay awoodi kariwaayeen inay
dhamaystiraan, waxayna xukuumadda iyo ciddii kale ee wax la qaban karta ugu baaqeen inay gacan ka siiyaan dhamaystirka masaajidkaa.
Sidoo kale waxaanu ku hakanay tuulada Taysa, waxaana ka mid ahaa muuqaalada foosha xun ee aanu
kula kulannay, dugsigii keliya ahaa ee ay tuuladaasi lahayd oo gebi-ahaanba ku burbursan, ayna dhulka la simeen ciidamadii
dawladdii Siyaad Barre, ilaa haddana aanay ciddina waxba ka qaban, waxayna odayaal aan la kulmay ii sheegeen inay baahida
dugsiga u bandhigeen xukuumadda iyo hayadaha samafalkaba, balse aanay wax jawaab ah hayn. Waxa kale oo ay odayaashaasi ii
sheegeen in haydhtuulihii Taysa oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xasan Cumar la xidhay isaga oo abaabulaya hawl uu doonayo
in wax lagaga qabto xaaladda dayacan ee iskuulka, uuna muddo ilaa laba bilood ah ku xidhan yahay Gebilay, markii aan odayaasha
waydiiyey sababta Haydhtuulaha loo xidhayna waxay ii sheegeen in cashuurta laga qaado tuulada ay qolada maamulka Allay-badday
iyo qolada maamulka Gebilay qoloba mar qaadan jirtay, taas oo ay markii ugu dambaysay qaadatay Gebilay, ka dibna uu gudoomiyaha
Allay-badday ciidan u soo kaxaystay oo uu kaxaystay, ka dibna loo taxaabay xabsiga Gebilay, taas oo ay sheegeen inaanay hadda
ogayn sababta loo haysto, waxayse sheegeen inay arintiisa gaadhsiiyeen wasiirka daakhiliga, welise wuu xidhan yahay.
Arrinta kale ee xiisaha lihi waxay tahay magaalada Allaybaday iyo degaamada ku xeeran waa meel
si weyn uga qatan warbaahinta wadaniga ah, haddii ay tahay idaacad iyo haddii ay tahayba Joornaal, laakiin in dhowayd idaacadda
keliya ee ay dhegaystaan waa idaacadda Horyaal la yidhaahdo oo hawada soo gasha 8:30 caweysnimo ilaa 9:00 fiidnimo. Waxa kale
oo ay dhegaystaan idaacadda Djibouti oo beryahan dambe baahinteeda la kordhiyay, balse idaacadda Radio Hargeysa iska daa dhegaysiyoo
war uma hayaan inay jirto iyo in kale.”
Top
Degmada Allaybaday Wax Jeeb Lagu Qaado Ka Weyn |
Anagoo ka soo jeedna degmada Alla-badday, waxa nala qalloocatay fool xumo weyna ah in ay cid
gaar ah oo dan gaar ah lihi meel kaga dhacaan milgaha degmadu leedahay, dhaawacaana sharafta beesha. Annagoo ku duulayna qaraar
cid gaari ahi iska gaadhay kuna baahiyeen saxaafada madaxa banaan, iyagoo leh waxanu ku hadlaynaa magaca degmada iyo beesha
oo ay sheegteen in ay ka baxeen xisbiga Kulmiye, kuna biireen xisbiga UDUB, iyagoo aanay jirin cid ay wakiil ka yihiin, hadafkooduna
cadayn.
Waxaanu u sheegaynaa cid kasta oo reer Somaliland ah in degmada Allay-badday aanay ceeb geyin, kuna koobnayn
xisbi gaar ah, kana ballaadhan tahay, Beeshuna ay taageero u hayso saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jiraba. Isla markaana
bulsho weynta degmada Allay-baday taageeradooda ay xisbi gaar ah u hayaan ama siinayaan waxay ku xidhan tahay hadba inta ay
leeg-tahay diblomaasiyadda iyo wax qabadka ururkaasi u muujiyo degmada. Sidaa awgeed annagu wax dhaliil ah kuna aragno habsami
u socodka xisbiga Kulmiye ee ku waajahan degmada.
Ka bixista ashkhaas gaar ahi ay ka baxeen xisbiga Kulmiye waxa u
banaynaya xuquuqdooda shakhsi ahaaneed. Laakiin waxa ceeb ah ahna fool-xumo weyn inay afar inan dan gaar ah ku fushadaan magaca
beesha, iyadoo fayska labaad ee ay u guureena yahay xisbiga talada haya oo aan wax la taaban karo u qaban degmada Allay-badday
ilaa iyo intii ay soo jirtay. Sidaa awgeed annagu waxaan taageero buuxda siinaynaa lana shaqaynaynaa xisbiga xil iska saara
wax qabadka degmada.
Guntii iyo gebagabadii waxan leenahay “Caynabo geel ninba inta uu gashado ayuu ka maalaa”.
Sidaa awgeed waxan axsaabta ku kala dhoweysan karnaa waa hadba wax-qabadkooda siduu yahay, degmaduna lagama yaabo in ay sahan
la’aan guurto ama cid dan gaar ah lihi ku guurto. Maxamed Sh. C/laahi Cali Maxamuud Bade Ibraahim Maxamed Maxamuud
Yuusuf.
Alleybaday waa magaalo ka qatan adeegyada bulshada ceelna uma qodna
cid umaqana garan maayo.
Magaalada Alleybaday waxa ay qiyaas 85km dhinaca koonfur-galbeed ka xigtaa
Hargeysa, tirada dadka ku nool ayaa lagu qiyaasay in ka badan 2000 oo qof, inkasta oo ay jiraan dad fara badan oo ku xidhan,
maadaama ay tahay xarun degmo, kuwaas oo isugu jira beeralay iyo xoolo-dhaqato.
Alleybaday, waa magaalo qadiimi ah oo jirtay muddo dheer. Isla markaana taariikh lama ilaawaan ah ku
leh xilliyadii uu socday halgankii ururka SNM kaga soo horjeeday keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre, maadaama ay ku taallo
dhulka uu ku yaallo xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo Itoobiya, oo ah meeshii ay u qaxeen dadka ka cararay dagaaladii ee
ku noolaa gobollada Somaliland, sannadihii siddeetameeyadii.
Haddaba, Degmada Alleybaday oo ah degmo ballaadhan ayaa waxa ay ka madhan tahay adeegyadii bulshada,
taas oo sababtay in ay inta badan dadka soo food-saaraan xaaladdo qallafsan oo saamayn ku yeesha noloshooda.
Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdi-haybe), oo toddobaadkii hore booqasho gaaban ku tagay Degmada
Alleybaday ayaa nooga diyaariyey warbixintan:
“Dhinaca caafimaadka; magaaladu ma laha Cusbitaal lagu daaweeyo dadka xannuunadu asiibaan, laakiin
waxa ku yaalla hal MCH, kaas oo shaqeeya, balse aan ahayn mid dabooli kara baahiyaha adeeg caafimaad ee degaanka, oo ay xilligan
ka jirto cabasho xannuunka Malaariyada ah. Isla markaana aanay jirin daawo lagaga hortago.
“Xannuunka ugu badan ee dadka ku dhacaa waa cudurka Malaariyada ee ay keento Kaneecadu,”
sidaa waxa yidhi Maamulaha Caafimaadka Degmada Alleybaday, Mr. Cabdalle Maxamed Daa’uud, oo u warramayey weriyeyaal
ka socday Jamhuuriya, Haatuf iyo Somaliland TV, oo booqasho ku tagay halkaa. Waxa uu xusay in sannadkii hore 2004, laga daweeyey
xannuunka Malaariyada 200 oo qof, kuwaas oo uu sheegay in 20 ka mid ahi u dhinteen. “Haseyeeshee,” ayuu yidhi;
“sannadkan waxa aanu ku dedaalaynaa in aanu ka hortagno cudurka Malaariyada, inkasta oo ay jirto daawo la’aani.”
Mr. Cabdalle Maxamed oo ka jawaabayey sababta xilligan keentay daawo la’aanta, waxa uu sheegay
in ay joogsatay daawo ay hay’adda UNICEF siin jirtay degmooyinka dalka oo dhan, balse waxa uu sheegay in ay ka helaan
waxoogaa daawo ah Hay’adda WHO.
Mar la weydiiyey Maamulaha Caafimaadka Alleybaday, Mr. Cabdalle Maxamed, in ay jiraan cuduro kale oo
ku dhaca dadka degaanka waxa uu sheegay in ay jiraan cuduro markale qaarkood ku dhaca dadka sida shubanka iyo oof-warreenka,
kuwaas oo uu sheegay in ay yar yihiin, marka loo eego heerka cudurka Malaariyada. “Waayo,” ayuu yidhi; “Cudurka
Malaariyadu waxa uu ka dhashaa qanniinyada Kaneecada oo ah mid aad ugu badan degaanka Alleybaday, maadaama ay ku yaallaan
Balliyo biyuhu galaan.”
Dhinaca waxbarashada; magaalada Alleybaday waxa ka furan dugsi keli ah hoose/dhexe, kaas oo ay xilligan
dhigtaan 200 oo arday, kuwaas oo 30 ka mid ah gabdho yihiin, inta kalena wiilal yihiin, sida uu sheegay Maamulaha Dugsigaas,
Mr. Cabdi Maal Cumar, waxa dhismaha iskuulka oo ah mid gaboobay ka kooban yahay 8 fasal iyo hal xafiis, isla markaana ay wax
ka dhigaan 6 macallin.
Maamuluhu waxa uu intaa raaciyey in iskuulku u baahan yahay dayactir lagu sameeyo dhismihiisa oo uu
sheegay in uu dildillaacsan yahay khatarna ku keeni karo ardayda haddii uu dumo.
“Waxa kale oo iskuulku u baahan yahay in la ballaadhiyo oo lagu kordhiyo qaybo cusub, waay, ardaydu
marka dhammaysato dugsiga dhexe waxa aanu u beddelnaa dugsiyada Gabiley iyo kuwa kaleba, iyada oo ay jiraan qoysas aan awoodooda
dhaqaale u saamaxayn in ay carruurtooda magaale kale ku masruufaan,” ayuu Maamuluhu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Inkasta oo xaaladda guud ee adeegyada bulshada aanay is dhaamin, haddana dhinaca biyaha ayaa la moodaa
in ay baahidoodu yartahay, sababta oo ah waxa magaalada ku yaalla Balliyo waaweyn, kuwaas oo waqtigii aan booqday dacallada
ka tufayey biyo xareed ah oo ay geliyeen roobabka gu’ga. Balliyada ka sokow, waxa la ii sheegay in uu jiro ceel uu saaran
yahay motor soo saara biyo loogu talogalay in ay cabto magaalada Alleybaday, balse biyaha ayaa ah kuwo qadhaadh oo aanay dadku
isticmaali Karin xilli walba haddii aanay dantu ku khasbin.
“Maalintii waxa aan iibiyaa ugu yaraan 50 foosto oo biyo ah oo aan midkiiba ku iibiyo lacag dhan
1000 shillinka Somaliland ah, taas oo ay ii saamaxday, kadib markii aan go’aan ku gaadhay in aan xilligan joojiyo biyihii
aan ku waraabin jiray beertayda, oo aanan beerin,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka leh Balliyadda ee reer Alleybaday.
Waxana uu sheegay in iibka biyuhu uga faa’iido badan yihiin waxa uu ka heli jiray wax-soo-saarka beertiisa.
Dhinaca waddooyinka ayaa iyagu ah kuwo baaba’ay oo aan wax dayactir ah lagu samayn, isla markaana
dhibaato weyn ku haya gaadiidka mara, taas oo mararka qaarkood ka dhigta go’doon in ay gasho magaalada Alleybaday.
Dhinaca dhaqaalaha; oo ah mid aad u ballaadhan waxa dhaqaalaha badani ka soo gala wax-soo-saarka beeraha
ku yaalla degaanka oo ah kuwo ay ka baxaan khudaar kala duwan oo dakhli fiicani uga soo xeroodo.
Dhinaca nabadgelyada; ma jirto wax nabadgelyo-darro ah, waxana ay kala duruuf yihiin dalka intiisa
kale. Waxa ku yaalla Rug Boolis oo hoosta Saldhigga Bilayska Degmada Gabiley oo ay hore uga tirsanaan jirtay, taas oo ay ka
hawlgalaan dhawr askari oo wata hal baabuur.
Isku soo wada duuboo, dhibaatooyinka Degmada Alleybaday waa kuwo u baahan in hoos loo eego, gaar ahaan
xukuumadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay wax ka qabato duruufaha isbiirsaday ee ku gedaaman adeegyada aasaasiga ah ee
bulshada iyo nolosha aadanaha.
by: cabdi qani
mataaan gaaxnuug
| |
.
Sunday, 15 May 2005 |
Allaybaday (Haatuf) Degmada Allaybaday ee ku taal Konfurta galbeed ee magaalada Hargeysa, waxa
Jimcihii doraad ka dhacay isu soo bax ballaadhan oo uu abaabulay xisbiga KULMIYE, kadib markii ay halkaas tageen wefti ballaadhan
oo ka kala yimi magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, waxay ujeedada socdaalkoodu xambaarasanayd laba hawlgal oo is barkan,
taas oo ay isu soo baxa ay qabtaan ku qaabileen xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha reer Allaybaday oo ku soo biiray Xisbiga KULMIYE,
kana soo baxay xisbiga UDUB, halka uu isu soo baxaasi dhinaca kalena uu muqday dhoola tus siyaasadeed oo uu xisbiga Kulmiye
ku muujinayo taageerada badan ee uu ku leeyahay degaankaas, iyadoo uu weftigaas uu hogaaminayay Sh. C/casiis Muxumed Sameele
oo ka mid ah hogaamiye-yaasha waaweyn ee xisbiga KULMIYE, isla markaana ah nin si weyn looga ixtiraamo degaamada gobolka Hargeysa.
Sidoo kalena waxa weftiga xubno ka ahaa xubno ka tirsan golaha degaanka taageerayaal xisiga
KULMIYE ah, isu soo baxa ay qabteen hoagaamiyeyasha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu ka dhacay fagaaraha ka horeeya
xafiiska uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay degmada Allaybaday, waxana halkaas hogaamiyeyaasha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE
ee kulankaas ka soo qaybgalay, iyadoo ay dadka halkaas ka hadlayay ka mid ahaayeen xubnihii cusbaa ee xisbiga ku soo biiray.
Sida uu ku soo waramay Weriye Haatuf ka tirsan oo gobta tegay, waxa isu soo baxaas ka hadlay
dad badan oo isugu jira masuuliyiin iyo taageerayaal, laakiin ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiye Xafiiska Kulmiye
ee Allaybaday, C/raxmaan Ibraahim Xirsi, waxaanu ku tilmaamay xubnihii dhowaan xisbiga KULMIYE ka baxay ee galay xisbiga UDUB
inaanu xisbigu waxba u noqonayn, isagoo yidhi: "Hangaraaracu lug keliya uma dhutiyo, sidaas oo kale xubno ka baxay xisbiga
Kulmiye waxba u noqon maayo," ayuu yidhi C/raxmaan.
Foosiya Sh. Aadan Aamin oo ka mid ah garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee Allaybaday ayaa
iyaduna xubnihii dumarka ahaa ee ka baxay xisbiga ugu baaqday inaanay magacooda la sheegan karin, "Ururka haweenku maaha kuwo
magacooda la sheegan karo oo way ka adag yihiin," ayay tidhi Foosiya X. Aadan.
Intaas ka bacdi waxa makarafoonka lagu wareejiyay xubnihi munaasibadda loo sameeyay ee sheegay
inay ka baxeen xisbiga UDUB kuna biireen xisbiga KULMIYE, waaanu ugu horeyn halkaas ka hadlay C/risaaq Sh. Aadan Cali oo ahaa
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada gabiley, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: "Waxaan mahad u soo jeedinayaa
dhammaan dadka degmada Allaybaday, gaar ahaan taageerayasha Kulmiye ee sida fiican maanta noogu soo baxay.
Waxaanu idiin sheegaynaa annagu inaanu markii hore ka mid ahayn xisbiga UDUB, maantana aanu
ka soo baxnay oo aanu ka mid nahay xisbiga Kulmiye. In badan baanu la soo shaqaynay UDUB, waxyaabo badan oo dhalliilo ah oo
aanu ku garan waynay darteed ayaanu uga nimi, waxyaabahaasna waxa ka mid aha degmadu masuuliyiin badan bay leedahay. Suldaan
baa jira, Xildhibaan baa jira, Wasiir baa jira, waxaanu ogaaanay midna inaan talo laga qaadan oo aan waxba la weydiin, dabadeedna
meelo kale oo aan munaasib ahayn in lala xihdiidho oo odyaashii, masuuliyintii iyo cuqashii nin walba halkii taabacday lagaga
tegay, sidaas darteed waxaanu go'aansnay inaanan sii wadin shaqadaas ee aanu ka baxno kaana soo qayb galno xisbiga Qaranka
ee Kulmiye."
Waxa isna halkaas ka hadlay Gudoomiyhii hore ee degmada Allaybaday, Maxamuud Yuusuf Cige oo
isna ka mid ahaa xunnahas xafladda loo qaybtay waxaanu yidhi: "Waxa dharaar dhawayd halkan yimi qolo dhallinyaro ah oo Hargeysa
ka timi oo saddex inan oo halkan ka tegay hor socdaan oo ay ku soo dhawaynayay degmada Allaybaday, waynu naqaanaa 3 inan ee
degmada ka tegay ee Hargeysa qolo ka soo baxaystay, miisaankoda iyo nidaamkooda. Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin weyn iyo
naag naago ka umulisay midna siduu wax u arkay uma sheegaan, annagu qaran iyo dawladdaba xog ogaal ayaanu u nahay oo khudbadahayaga
iyo nidmaakayaga dib ayaanu u dhiganaynaa oo xafladaha dambe ayaanu ku soo bandhigaynaa."
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay xuno kale ee sheegay inay xisbiga UDUB ka baxeen kuna
biireen xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kala ahaa; C/kariin Dirshaale, Cumar X. Muxumed iyo Maxamuud Xasan. "UDUB hadii ay ahayd,
in badan baanu soo wada shaqaynay, beeno hadanana way noo sheegtay oo waxay na tidhi wado ayaanu idiin samaynaynaa iyo ceel,
waxba lagama hayo, imikana qolo kale ayay soo direen oo waxay yidhaahdeen wadaanu idin dhisaynaa, arrimahasna waxba kama suuroobin,
sidasaanu ugu soo baxnay," Sidaa waxa yidhi C/kariim Dirshaale.
Xubnaha kale ee iyaguna halkaas ka hadlay waxa ka mid ahayd Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka
degmada Gabiley, oo ah gabadha keliya ee ka mid aha golaha degaankaas, waxanaay Khadra Xaaji ugu horeyn mahadnaq ballaadhan
iyo salaan soo dhoweyn ah uu soo jeedisay xubnaha xisbiga Kulmiye ku soo biiray, iyo dadweynaha degmada Allaybaday oo ah degmadii
ay kaga soo baxday Xildhibaanimada golaha degaanka.
"Dhamaan dadweyanah Allaybaday ayaan salaamayaa anigoo ku hadlaya afkood oo ah xubnihii ay doorteen.
Waxaan rabaa maanta inaan waxooga yar u sheego, taas oo ah wayxaabihii aynu ku dhaliil jirnay masuuliyiinteenii hore ee inooga
jirtay talada, waxaad moodaa inaanay dadkeena si aad ah wax uga sheegin siday doonaanba wax ha u dhacaane. Annaga xilbaa naga
saaran in aanu dadweynahaayaga na doortay iyo inta aan na dooran inaanu si cadalaad ah ugu shaqayno, imikadaa lafteedana aanu
ugu shaqayno oo aanaan ku qiimaynin UDUB baad ka soo baxaday iyo Kulmiye ayaad ka soo baxday.
Qof kastoo degmada ah ama degaanka aanu ku nool nahay ah dhammaan si siman aanu dadweyanah ugu
shaqayno. Marka xigta waxaan aad u jecelahay inaan dadka u sheego in lays weydiiyo xisbi kasta oo aynu gelayno maxaa inoogu
jira. Waxa dhacday xilligii doorashadii degaanka aynu ku soo baxaynay, xaqiiqiyan cod badan baynu siinay, annaga nagamay cod
badnayn, laakiin cod badan baa la siiyay, hadana intii ku soo baxay Kulmiye in le'eg ay UDUB inoogaga soo bixi lahaayeen.
Waxa isweydiin mudnayd halkaas maxaa inoogu jiray, ileyn gole degaan baa la dooranayeye ee aynu
dooranaynaa, taas laysma weydiiiyo, damigaa anigu ma saarayo dadweynaha reer Allaybaday. Dembigaas waxaan saarayaa cidii ceelka
ugu jirtay inay dadka fahansiiyaan in dad la dooranayn. Waxaanu taaganahay inaanu dadkayaga u sheegno halka dantu ugu jirto
iyo xisbiga wax u ogol.
Marka aad eegto xisbiga talada haya Wasiir kuxigeenka qorshayntu waa in u qalma madaxweyne,
hadana talada dalka waxba lagama waydiiyo, taasina waa nasib daro, anigu kuma gefayo oo waa adeerkay, laakiin waa in la eegaa
cidda ku qiimaynaysa oo aad cida ku qiimaynaysa oo aad adiguna qiimaysaa."
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Cali Cabdi C/laahi (Cali Case), waxaana hadaladiisa ka mid
ahaa "Waxaan soo dhowaynayaa xunaha qaaliga ah ee xisbiga ku soo biiray ee munaasibada loo qabtay iyo qaar ka mid ahaa oo
saldhiga boqolka taalaabo inoo jira ku xidhan. Ta kale qoladii aad carrabta ku dhufateen ee UDUB ku biirtay waxay xaflad ku
qabsadeen hudheel shaqalaah, balse ilaa iminka meel ay galeen wa la daydeyaaya, cidii qaabilaysayna waxay ku tidhi waxaanu
idiinku war geynaynaa xisbigii, anaguna waxaanu idiin leenahay ma jiro xisbi na dhaafsiisan oo aanu idiinka wargeynaynaa ee
madaxdii xisbiga ugu saraysay way idinla fadhiyaan.
Dadku xisbiyadu way ka baxaan, xisbiga kalena way galaan, laakiin qolada UDUB waxaad moodaa
inay caado u noqootay inay hawshii loo igmaday ka doorbideen hebel baa Kulmiye ka soo baxay oo UDUB soo galay oo maanta
hadii la yidhaahdo Ictiraaf ma la idin siiyaan waxay ka jecel yihiin xisbiga Kulmiye oo baaba'ay inay maqlaan".
Ugu damabyan waxa halkaas khubad siyaasiga oo uu aad ugu tiiqtiiqsaday ka jeediyay Sh. C/casiis
Samaale, isaga oo si weyn u weeraray xisbiga uu beratanka weyni ka dhexeeyo ee UDUB iyo xukumada Madaxweyne Rayaale ee uu
dhisay xisbiga UDUB, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay "Marka hore waxaan salaamayaa dadweyanah ku nool degmada Allaybaday Saddexda
Xisbi Qaran xisbi kasta oo ay yihiinba. Waxa kale oo aan salaamayaa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee halkan isugu yimi iyo
inta aanay duruuftu u saamixin inay halkan yimaadaan, waxanan idiin soo gudbinayaan salaan aan idinka siday madaxdii xisbiga
Kulmiye inta aan maanta halkan iman oo uu ka kow yahay Gudoomiyaha Mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo igu soo adkeeyay
inaan salaantaas si gaar ahaan idiin soo gaadhisiyo.
Waxaan u mahadnaqyaaan xubnaha halkan ka hadlay ee ay ka midka yihiin madaxdii degmada gudoomiye
xigeenkii degmada Gabiley C/risaaq Sh. Aadan Cali, Gudoomiyehii Aadan cali, Gudoomiyihii degmada Allaybaday ee xiliyadii ugu
adkaa laga bilabao xiliigii degmada lagu dhawaaqay ilaa iyo xili dhow intaa laga bedelayay jagadaas oo ah Mudane maxamuud
Yuusuf Cige iyo xubnihii kaleba.
Waxaan aad iyo aad uga xumahay xubnhaasi xili fog ayay na yidhaahdeen xaflad noo sameeya inaanu
xisbiga Kulmiye ku soo biirnay, gaar ahaan mudane C/risaaq iyo Mudane Mmaxamuud, hase yeeshee waaanu ka diidnay inaanu
xaflad u samayno, waxaanu nidhi dad waaweyn oo mudakar ayaad tihiin, bulshadii reer Somaliland badideedii intii UDUB codka
siisay way ku hungoobeen, Kulmiyeyena soo wada galeen, sharaftana kuma jirto in maalinba dad xaflad lo sameeyo oo halkaas
ayay ka soo baxeen la yidhaaye, Kulmiyaad iska tihiine iska daaya ayaanu xili fog ku nidhi.
Dhaqanka Kulmiye waa kala dagaalamaynay inuu noqdo dhaqanka UDUB oo kale, laakiin waa nalagu
kelifay oo waa nalaga diiday inaanu sidii ku sii socono, markaa ogaateen maa aad dhacay iyo waxyaabaha kale ee maalin walba
Hargeysa ka dhaca. Xubnaha imika ku jira Taliskan dhexe ee jeelka hadda lagu xidhay ee loo xidhay maxaad UDUB uga baxdeen
iyagana salaantaas qaaliga ah ayaanu u dhiraynaa, waxaanu leenahaya soo dhawaada, xisbi qaran ayaad ku soo biirteen, waxaad
ku soo biirteen xisbi dadka iyo dalka wax u qaban doona Illaahay iyo idinkii, waxaad ku soo biirteen xisbi dalka xoreeyay
ee ka xoreeyay nacabkii iyo dhiigyo cabkii Siyaad Barre.
Waxaan ka xumahay maanta waxay ahayd inuu xafladda noo furo Gudoomiyaha degmadu Cabdi Faarax,
siduu u furay xafladii tan ka horeysayba, waa nasiib darro inaanu joogin, laga yaabaa inuu xanuunsanayo, haddii uu xanuunsanayo
gudoomiye xigeenka ayay ahayd inuu noo furo, iyaduna waa nasiib darro oo isna ma jooga, taas macnaheedu waxa weeyi bulshada
wixii aan UDUB ahayn waxba hala qabanina.
Maaha gudoomiye ku xigeenka degmada, laakiin waa amar dusha ka imanaya oo hadii halkaas lagu
arki lahaa beri Cabdi Faarax waa la eryayaa. Waaana hubaal inuu jeclaan lahaa inuu ka qayb galo isaga iyo ku xigeenkiisuba,
laakiin bariiskooda ayaa ku xidhan inaanay ka soo qayb gelin.
Waad la socotaan xalay (Habeen Jimcuhu soo galayay) Waxa soo galay laba gadhi oo bileys ah oo
buuxa. Maxay u yimaadeen degmada, ayaa ku soo duulay ee qabsaday talow? Ddanka wanaagsan baanu ka eegiye, oo waxaynu odhan
ciidankaas la soo diray waa taageerayaashii Kulmiye, soo dhawaada ayay iyagana leenahay.
Allaybaday cadow dibadda kagama iman ee ragii u dhashay iyo halyeeyadii u dhashay uu baa yimi,
dad laga ilaalinayo maaha, dad waxyeelaya maaha, waa dad degmada iyo dalkuba ku wanaagsanaanayaan, ka talinayaa oo uu taagan
weeyi, Illaahay baa taas ka markhaati ah kana markhaati noqonaya waxaynuna illahay ka baryaynaa wadankeena cidkasta oo xumaynaysa
inagoon hebel iyo heblaayo odhanayn in illaahay inaga qabto oo dadka iyo dalka wixii u dan ah ku hago ayaynu illaahay baryeynaa.
Uma fiicna qofka Muslimka ahi inuu cid dhaleeceeyo ama uu caayo, sidaas li'ajligeed ma jecli
inaan cidna dhaleeceeyo ama shaqsi ama madax ama maamul, laakiin waxa ka mid ah waxyaabaha ay dadka Muslima ahi isaga baahan
yihiin ee aynu isaga baahnnanay inaynu wax isu iftiimino oo wax is tusno, waayo nolosheena iyo danteena ayaa ku jirta.Wanaaga
iyo xumaha bulsho ka dhex dhaca inta badan wuxu ku xidhan yahay bulshada lafteeda, hadday xumaato, hadday xumato dadka dalka
u taliyaa, sababteeda bulshada qayb ka mid ah ayaa yeelanaysa, waayo qofku waa shaqsi uun. hadduu khalmado in uu ka daa la
yidhaahdo weeyi, waxaasi waa khalad ee ummadda ka daa, dalka ka daa, waxaasi waa wixii lagu dumay, wixii digteetaradu ku dumeen
weeyi ee dalka baabi'iyay ka daa in la yidhaa weeyi, sidaas ayay ummmaddu ku hagaagtaa marka wanaaga laysku sheego.
Waxa isku sheego waa danta ummadda weeyi.
Degaanka degmada Allaybaday oo dad badani degaan, oo run ahaantii marka aan cabirodareenka xisbiga
Kulmiye madaxdiisa ee ka turjumo deegaanka yahay degaankii Kulmiye aadka looga tageeray, xisbiga Kulmiye meelihii uu ku guulaystay
ee bulshadu ka ayiday meelihii ugu waaweynaa ayay ka mid tahay degmada Allaybaday, taasina waa ta maanta UDUB ka keentay inay
ka dhigto degmadii wax ay qof iyo laba degta ku qaadan karaan oo ay yidhaahdaan degaadii Allaybaday siday u dhamayd waxay
ka soo baxday KULMIYE oo waxay soo gashay UDUB, taasi ma dhabbaa, taasi dhabaa, dadweyanaha degmada Allaybaday xisbigeebuu
ugu badan yahay? horta waxaad doonta dhaha idinkuun baa yidhi, laakiin anigu waxaan sheegayaa uun ummad la afduubi karaa inaanay
jirin.
Sidaas ogaydeenba ku dhawaaqi markii natijadii dooorashada lagu dhawaaqay 80 cod baa lagu dhawaaqay
inay UDUB ku gulaysatay, markii dambe ee Maxkamadda la geeyayna 240 baa loo bedelay natiijadii, isku duuduuboo markii natiijooyinkii
dalka laysku geeyay 240 kaa ama 80 kaa bay UDUB ku heshay.
Kursigii sow iyagu kuma fadhiyaan? Su'aasha isweydiinta lihi waxa weeyaan, marka hadii kursigii
loo tartamayay ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay UDUB maanta ku fadhido oo codku mid badan ha noqdo ama mid yar
ha noqdee ay kursigii iyagu nasiib ugu fadhiisteen, ama ha boobaan ama ha xadaan, ama lacag ha ku helaan,, waxkasta oo dhacay
sow kursigii kumay fadhiisan, oo Kulmiye iyo UCID-ba umay hambalyeen, haba la diido markii hore natiijada oo musuqmaasuqi
la arkayay Kulmiye haba is adkeeyee umay baarakeyn?
Madax uga baahan yihiin UDUB xafladaha iyo dalka maanta dhibaatada ka jirta aynu ognahay waxa
ay ka hadlaan habeen iyo maalin, haddii Tv-ga Hargeysa xalay la idiinka waramo muxuu ka waramayay. Waxa xalay oo dhan durbaanada
tumayay dad la leeyahay Kulmiye ayay ka soo baxeen oo intooda badan laga yaabaa inay UDUB ahaayeen. Waa halkaas fadhiya wasiirada
dalka u shaqayn laaha ee dayac weyn ee maanta dalkeena ka muuqda ee ilaa bari ilaa galbeed meel dalkeeni fayobi aanay jirin,
galbeedna ma fayooba oo waad ogtihiin in xuduudeeni laga soo qaaday Lowya caddo, halkee la keenay xuduudii, wad la socotaan
baan u mayalayanyaa.
Xuduudii barigu halkay joogtaa, iyadana Illaahay baa og magaaladii Hargeysi way kala go'an tahay,
cidii ka shaqayn lahayd dhibaatada dalka ka taagan, shaqadeedu waxa weeeyi odaybaa ka soo baxay Kulmiye, inan baa ka soo baxday
Kulmiye.
Su'aashu waxa weeyi maxay uga baahan yihiin ilayn kursigii iyagaa ku fadhiyee ashqaas maanta
Kulmiye ka soo baxday maxaa looga baahan yahay. Jawaabta aniga idiin sheegay. UDUB waxay isu haysataa in aanay kursiga si
xaq ah ugu fadhiisan oo aanay cod ku helin, sidaas darteed waa inay codkii dadka doontaa oo maalin walba dad been ah soo qabqabataa
oo ay tidhaa intii codkayaga ka dhiinayd maantay soo gashay, waa inay taas haqadeedu noqotaa, waayo waxay u haysataa inaanay
kursiga ugu fadhiiisan si cadaalad ah oo sharci ah, waanay is aamini la yihiin oo kuma kalsoona kursigii ku fadhiyaan, hadday
ku kalsoon yihiin Kulmiye ayaa laga soo baxay shaqo may noqoteen ee shaqadu waxay noqon lahayd dalka maxaa ka qabyo ah ee
in loo qabto u baahan yay taladu noqon lahayd.
Waxaad ogtihiin ciidankeenii qaranka ee dalka milicda hadhka iyo habeenka u taagnaa, una taagan
difaaciisa iyo ilaalintiisa, ayaa hadda sannad iyo badh ciidankeeni wuxu ku go'doonsan yahay jiidda gobollada bari oo dalka
inay wad xoreeyaan aanay dhicin oo la hor tagan yahay, in la soo celiyaan laga hortaagan yahay, in dadkaas nabadgelyo lagula
xaalo oo dadkii kula xaali lahaa ee hawshaas dhammayn lahaan ilaa hadda inay galaan loo diidan yahay, waa maxay sababtu? taariikhd
ayaa xilli aan fogeyn sheegi doonta, anigu wax badan ka odhan maayo.
Marka dalka dad loo doorto dadkii la doortay in lala xisaabtamo ayaa loo baahan yahay, maxay
dalka u qabteen, maxay dadka u qabteen? Hadday wanaagsanaato waxay mutaysteen in lagu taageero, haaday xumaato in lagu qabsado
oo loo sheego oo la yidhahdo, maaha sidaas sidaanu idiin dooranay. UDUB ma waxa codka loo siiyay oo degaan kasta oo ay codka
ka heshay ay u siisay inay xag xagato oo ay ceebayso madaxda sare ee xisbiga KULMIYE ee u soo halgantay xoreynta dalka oo
maanta cidda keliya ee ay cadowga u arkaan tahay Kulmiye, ma taas baa loo doortay UDUB.
Waxa loo doortay codka u siisay in dalka Ictiraaf loo raadiyo. Waxa codka loo siiyay in dalka
laga saaro shaqo la'aanta ka taagan, waxa loo doortay oo ay xisbiyadu u tartamayeen in xisbiga talada qabta uu horumar gadhisiyo
dalka oo degmooyinka iyo gobollada dalka ee mid waliba dhibaatadu ay ka muuqato intaba waxay ka qabato. Maxay UDUB ka qabatay
waxaas oo dhan.
Waxaan u malaynayaa haddii maanta UDUB la siin lahaa bilad ama shahaadaad lagu qimeeyo waxqabadkeeda
inay shahaadadaasi noqon lahayd cayda KULMIYE, Cayda ka muuqata saxaafadeena , ka muuqta Idaacadeena, ka muuqata Jaraa'idka
lagu fangareeyo cashuurta laynaga qaado sida Jariiradda Maandeeq, waa jariiraadda keliya ee dawlada iyo dalku ay leeyihiin,
inta kale ashqaas baa leh. Raadyow Hargeysa todobaadkii ugu dambeeyay wixii uu ka hadlayayba uu ahaa degaankii Allaybaday
oo dhammaan ka soo baxay Kulmiye op galay UDUB, oo hadday intaas uun ku koobnaadaan waxba may ahaateen ee waxa dheeraa cay
iyo dacaayad la dacaayadaynayo xisbiga KULMIYE.
Haddaanu annagu xisbiga KULMIYE nahay waxaanu ka xishoonaa inaanu ka sheekayno tariikhda ay
leeyihiin dadka ina xukumaa, waayo waxaanu nidhaahnaa "Caf laahu maa salaf" illaahay baa dhaafay wixii tegay, tariikhda tagtay
wax tegay weeyi, laakiin waxay maanta qabanayaan uun halagu xisaabtamo, ma sheeg sheegno waxay shalay ahaayeen, mana sheeg
sheegno waxay ahaan jireen.
Waxa soo socda qofka an garan wax jooga ma garto ayay Soomaalidu tidhahdaa, haddii mustaqbalka
inagu soo wajaahan ee madow garan waynana waxay noqon doonaa dad ka dhaca noloshooda. Illaahay inagama dhigo. Waxaanu ku dhaliilaynaa
dawladda haddanu xisbiga Kulmiye nahay, waxyaabo badan baanu arkaynaa inay qabyo yihiin.
Somaliland markuu Marxuumkii ka dhintay, Laas caanood calanka Somaliland baa ka tagnaa, waxa
joogay dad masuuliyiin ah dawladdu mushahar siinaysay, waxa joogay ciidan, halkay ku dambaysay maanta, waa siyaasada xumi
dawladeena ah.
Waxaan xusuusan karaa oo aan tilmaami karaa dhaqaalaha dadkeena iyo noloshoodu siduu ahaa laba
sannadood ka hor, maantase siday tahay busaaradda jirtaa intay le'egtahay, ama Marxuumkii dhintay baa la dhintay xoolihii
dalka yaallay. Waxaan odhan karaa xoolaha ka soo baxa cashuuraha dadkeena laga qadaa waxay ku dhacaan jeebka ashkhaas dalkan
iyo dadkan dan ka lahayn oo ugu talo gashay maalinta xilka laga qaado inay dalka ka baxaan oo ay qaxootiyo adduunyada u tagaan
bangiyada sii dhigtaan xoolaha, taas baa hubaal ah.
Waxaad ogtihin doodo badan baa ka dhaca golaha Baarlamanaka, xilli xiliyada ka mid ah waxa dhintay
Alla ha u naxariistee nin ay soo magacabeen ururadii mucaaridka ee badna oo golaha komsihanka ayaa wuxu ka koobnaa todobo
xubnood, oo labana ay keeneen ururadii mucaaridka ahaa, shanna ay labada gole iyo Madaxweynuhu isla keeneen. Qofkaasi markii
uu dhintay labadii xisbi ee mucaaridka ahaa ee KULMIYE iyo UCID ayaa la yidhi qof idinku keena, labadii xisbi markii ay tashadeen
qof bay soo magacaabeen oo ay isku soo raceen, waxaan filayaan inaad ilaa Idaacadaha adduunka ka dhegaysateen arrintaasi halkay
ku damabaysay.
Waxa lala yaabo waxa ah Madaxweynaha dalku inuu yidhaahdo oo jawaabta uu axsaabta siyaa ay noqoto
gobolkii aan ka dhashay ayaa ka maqnaa komishanka, sidaas la ajligeed nin gobolkayga ka dhashay baan keenaaya. Sow ayaan darro
maaha Madaxweynihii dalka loo doortay ee ummadda dhanba ay siisay codkoda ee halyeeyadii dalkan u soo halgamay isagaba laga
fadalaya, khalad iyo sax kay doonto ha nooqtee inuu yidhaahdo gobolkaan u dhashay ninkaas halaga keeno, haddii kale geli maayo,
oo aakhirkiina nin gobolkiisa ka dhashay la geliyay oo sharci darro lagu geliyay, oo KULMIYE markuu ogaaday intuu isku naxay
uu xishooday uu iska dayay oo hadda aanu ka aamusnay oo komishankii la geliyay hadda nin goobolka Awdal ka soo jeeda, sow
isweydiin malaha.
Ma ka yeeli lahayd Marxuum maxamed X. Ibraahim Cigaal degmadayda Berbera iyo gobolkayga nin
u dhashay ayaa ka maqnaa halkaa. Kuraasta gobolka Saaxil leeyahay kuwa kale ayuu siinayaa, wuxuu odhan jiray idinku ha hadlina,
annaa kursigii maanta ku fadhiya, ha hadlina ayuu odhana jiray.
Madaxweyanaheena cimrigiisu ha raago, isagu waa ka sidaa yidhi. Waanu iska amusnay, arrin sharciga
ka horimanaysay ayay ahayd, golaha Wakiiladu markay khajaleen iyaguna intay qodobkaas bedeleen ayay waxay yidhaahdeen haye
Madaxweynahana kaas gobolkiisa ka yimi hala siiyo, Kulmiye qof haloogu daroo laba qof oo kale halagu daro. Sharcigaas waa
la baas gareeyey ilaa maxkamadduu ka soo baxay, kii markuu ku hubsaday gobolkiisa ka yimi ee kii Kulmiye lagu dari lahaa,
sharci kaluu soo saaray oo uu leeyahay lama gelin karo kiina.
Marka aad wax aad ka naxdo aad aragto inaad ka hajiso waa weji gabax kugu dhaco soo maaha, waa
wax laga xishoodo. Siduu marka u keeni karaa Madaxweyne-heenu gobollada bari ee maqan hadduu isagoo maanta taladii dalka haya
oo ay goboladaasi wax tabanayaan oo siday Awdalba wax u taban lahayd u tabanaya, hadduu isagii oo tabashadii Awdal aanay dhamaman
isagoo Madaxweyne ah siduu u keeni karaa gobollada inaga maqan ee bariga. Taasi waa siyaasadda madaxii ha ragee Madaxweynaha
dalkeena weeye."
Jamaal Maxamed Jaamac. Alaybaday
JJ@hotmail.com |

dalkeena weeye." |
Jamaal maxamed jaamac Alaybaday
Top
Xaflad Allay-baday Loogu Qabtay Xubnihii Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbiga UDUB |
Allay-badday, May 4, 2005 (xidhinta) – Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay xubno hore
uga tirsanaa xisbiga Kulmiye oo haatan ku soo biiray xisbiga UDUB ayaa doraad lagu qabtay degmada Allay-badday. Xafladaasi
oo ay soo qaban-qaabiyeen taageerayaasha xisbiga UDUB waxa ka soo qayb-galay madaxda degmadaas ee xisbiga UDUB, xubnaha ku
soo biiray iyo dadweyne aad u farabadan.
Xafladan oo ahayd tii labaad ee xubnahaasi loo qabtay, iyadoo tii hore lagu qabtay dhowaan
Hargeysa, waxa ka hadlay ugu horeyn Cabdi Cilmi Boon oo ku hadlayay magaca odayaasha ku biirey xisbiga UDUB, isagoo aad uga
hadlay sida uu ugu faraxsan-yahay Taageerada ay kala kulmeen Allay-badday, “Hadii oday sahamiyo oo sahanka lagu caarido
meel madhan buu soo baxaa, hadii aanu sahaminay oo aanu is-nidhi halkaasaa idiin gol-roon oo aad nagu raacdeen aad baad u
mahadsan tihiin. Markaa xisbina wax lagama sheego, ee waxa la eegaa danta degaankaaga, maadaama aanad adigu kursi doonayn,
mucaaridnimo wax ay kuu soo sidaa ma jirto, waana Ta ishaa inoo yeeshay, anagaana idiinku horseed ahayn, balse markaanu dhan
walba ka eegnay halkaasaanu ku soo gabagabaynay, haatana waxaynu nahay xisbiga dawlada ee UDUB” ayuu yidhi Cabdi Cilmi
Boon. Ka dibna waxa halkaa ka hadlay Muuse Cali Yuusuf iyo Caasha Guuleed Faarax oo ka mid ahaa xubnaha ku soo biiray UDUB,
iyagoo ka waramay sababta ay UDUB ugu biireen iyo taageerada ay ka filayaan reer Allay-badday. Waxa isaguna munaasibadaa
goob joog ka ahaa oo hadlay gudoomiyaha suuqa Gobanimo Cali
Aw Xasan Jaamac, isaga oo u mahad celiyey dadka ku dhaqan Allay-badday, sida diiran ee ay u
soo dhoweeyeen isaga iyo weftigaba, waxaanu sheegay in la gaadhay xiligii ay reer Allay-badday wax la qabsan lahaayeen Dawladooda
iyo xisbiga Talada haya ee UDUB, isaga oo u soo jeediyey xubnaha ku soo biiray UDUB inay hawshooda u qabsadaan si xilkasnimo
ah.
Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha degmada Allay-badday Cabdi Faarax Aadan, isaga
oo sheegay in maamulka degmadu ay soo dhoweynayaan sida fiican ee ay hawshaasi u dhacday. Xafladaasina ugu dambayn waxa ciyaaraha
hidaha iyo dhaqanka Haweenka ku dhaqan Allay-badday oo uu ka muuqday abaabul aad u weyni.
Xubnihii Iyo Taageerayaashii KULMIYE Ee Allaybaday Oo Sheegay Inay Ka Baxeen Xisbigaas Kuna Biireen UDUB |
Hargeysa, April 26, 2005 (Xidhinta.tripod) – Xubno sheegay inay ahaayeen Xubnihii Golaha
Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugaga jiray Degmada Allaybaday, Xubnihii uga diiwaan-gashanaa iyo dhammaan taageerayaashii Xisbiga
KULMIYE ee degmada Allaybaday, ayaa ku dhowaaqay inay ka baxeen ka mid ahaanshihii Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla
markaana ay ku biireen Xisbiga talada haya ee UDUB.
Xaflad si ballaadhan loo soo agaasimay oo munaasibaddaas loogu talo-galay ayaa xalay lagu qabtay
hoolka Xarunta Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladdaas ka soo qayb-galay dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadka
deggan degmada Allaybaday oo isugu jiray masuuliyiin, odayaal, culimaa’udiin, aqoonyahano, dhallinyaro iyo haween oo
dhammaantood ka tirsan dadka ku dhaqan degmada Allaybaday, waxaana halkaas bandhig-masraxeed dadka ugu soo bandhigay qaar
ka mid ah fanaaniinta Somaliland oo uu hogaaminayay fanaanka Cabdi Haybe Laambad. Sidoo kale waxa masuuliyiintii xafladaas
ka soo qayb-gashay ka mid ahaa Xoghayaha Maamulka Suuqa Ganacsiga ee Gobanimo, Cali Aw Xasan Jaamac iyo marti-sharaf kale.
Xubnahan sheegay inay ka baxeen Xisbiga KULMIYE, isla markaana ku biireen Xisbiga UDUB, ayaa
waxa ka mid ahaa Shaqsiyaad magacweyn ku leh bulshada degmada Allaybaday iyo guud ahaan gobolka Hargeysa, kuwaas oo kala ahaa:
Mooge Cali Yuusuf (Mooge Dheere) iyo Cabdiraxmaan Cilmi Boon (Cabdi-Faruur). Sidoo kalena, waxa iyaguna ka mid ahaa xubnahaas;
Gudoomiyihii Xafiiska Xisbiga KULMIYE ee degmada Allaybaday, Muuse Gahayr Wacays, Gud. Xigeenkii 1aad iyo labaad ee isla xafiiskaas;
Daa’uud Muxumed Cawaale iyo Halac Cabdi Shiil iyo Xoghayihii Xafiiska KULMIYE ee degmada Allaybaday Ismaaciil C/laahi
Mubaarik. Bayaan qoraal ah oo ay saxaafadda u qaybiyeen xubnaha iyo taageerayaashaas sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE,
ayay ku sheegeen inay Xisbiga KULMIYE kala noqdeen kalsoonidii, ka mid noqoshadii iyo taageeradiisiiba, iyagoo taas sabab
uga dhigay qodobo dhowr ah oo ay sheegeen daraasad iyo fallanqayn dheer kadib inay u arkeen inaanay ahayn hadafkii iyo mabaa’diidii
loo abuuray xisbiga KULMIYE.
Qoraalkaas bayaan ka ahina waxa uu u qornaa sidan: “Annagoo kala ah: xubnihii Golaha
Dhexe ku jiray ee xisbiga KULMIYE ee degmada Allaybaday, Qaybahan u diiwaan-gashanaa xubnaha xisbiga KULMIYE IYO dhammaan
taageerayaashoodii oo u kala baxa: Odayaasha, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanada, Dhallinyarada, Garabka Haweenka, Maamulkii
Xisbiga KULMIYE ee xafiiska degmada Allaybaday iyo waxgaradka kaleba, waxaanu go’aan rasmi ah ku gaadhnay in aanu ka
baxnay, kana guurnay ka mid ahaanshihii iyo dhammaanba taageeridii Xisbi Siyaasadeedka Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana
aanu kala noqonay kalsoonida go’aankan oo ka dhashay kulamo is-daba-joog ahaa oo guud ahaan aanu yeelanay. Daraasad
iyo fallanqayn dheer kadib, waxaa soo baxay qodobadan lama dhaafaanka ah oo gundhig u noqday go’aankan rasmiga ah ee
aanu kaga baxnay Xisbiga KULMIYE. Waxaana ka mid ah: 1. Waxaa meesha ka baxay dimuqraadiyadii iyo talo-wadaagii xisbiga
gudihiisa, waxaana taladii isku koobay koox yar ama shaqsiyaad dan gaar ah ku fushanaya, 2. Waxaa lumay mabaa’diidii
iyo hadafkii Xisbiga loo abuuray isla markaana aan u sheegnay taageerayaasha oo ahayd, dhismaha iyo ilaalinta dawladnimada,
qaran-nimada iyo jiritaanka dalkeena JSL, iyadoo lagu bedelay hagar-daamo dawladnimada JSL iyo ficilo lid ku ah jiritaanka
qarannimadeena qaaliga ah, sida; hadalo uu ka jeediyay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE warbaahinta madaxa banaan oo aanu dhammaantood
u aragnay in ay yihiin kuwo lagu carqaladaynayo midnimada iyo xornimada JSL, isla markaana ka farxinaya cadowga JSL iyo Idaacadda
sharci-darrada ahayd ee ay furteen Xisbiga KULMIYE oo aanu u aragnay in ay tahay mid dib ugu celinaysa dalka Jabhadayntii
laga soo gudbay. 3. Mucaaridnimada waxaanu annagu u fahamsanayn in wax lagu dhiso (Constructive Opposition Party), balse
shakhsiyaadkan ay talada xisbigu u afduuban tahay waxay u adeegsanayaan inay ku dibin-daabiyaan dawladnimadeena JSL (Destructive
and Conspirances). 4. Iyo ugu dambayn sawirkii foosha-xumaa ee uu ka bixiyay dawladnimadeena JSL ee 15 sanno jirsatay Gudoomiyaha
Xisbigu wareysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay Idaacadda BBC-da, isagoo meesha ka saaray guusha dhabta ah ee aynu gaadhnay,
sida dhismaha iyo horumarka dalka, degenaanshaha iyo nabadda, dawladnimada taaba-gashay iyo kala dambaynta jiritaanka iyo
qarannimadeena guusha ah oo ah mid laga soo shaqeeyay muddo ku dhow 15 sannadood, isla markaana tacab badan loo soo galay
dawlad iyo shicib-ba, hawshan oo ummaddan qiimo qaali ah ku joogta, isla markaana leh tiirar adag iyo sees rasmi ah ayuu si
aan xikmad ku fadhiyin ku sheegay mid la barbardhigi karo Xamar iyo wax la mid ah, annagana waxay guushani noogu qiimaysan
tahay mid ka sarraysa wadamo badan oo aqoonsi haysta oo dunida ka mid ah. Go’aanka Rasmiga ah: • Markaanu
aragnay qodobada aan kor ku soo sheegnay iyo arrimo kale oo badan • Markaanu ogaanay in ay badheedhayaan shaqsiyaadka
wadada ka leexinaya hadafkii xisbiga iyo inaanay marnaba diyaar u ahayn in la wada tashado Waxaanu go’aan rasmi ah
ku gaadhnay: 1. In aanu maanta oo taariikhdu tahay 25/4/2005, si rasmi ah uga baxnay isla markaana kala noqonay kalsoonidii
iyo taageeradiiba Xisbiga KULMIYE. 2. Waxaa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in aanu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/4/2005,
si rasmi ah ugu biirnay ka mid noqoshada Xisbiga UDUB, una hayno taageero iyo kalsooniba. 3. Xisbigan oo aanu ku dooranay
inuu yahay xisbi talo-wadaag leh, isla markaana nasteex u ah dhismaha dalka, dawladnimada, jiritaanka qarannimada iyo go’aankii
ummadda doorashadii distoorka 31 May 2001 ee ummaddu u coddaysay 97% dawladnimada iyo madaxbanaanida dalkeena JSL. 4. Go’aankan
oo ah mid rasmi ah, waxaanu u gudbinaynaa saxaafadda iyo warbaahinta.”
Cabdi qani Mataan Hargaysa
abdiqani77@hotmail.com
War deg deg ah oo naga soo gaadhay NairobiGuddoomiyaha baarlamaanka oo gacanta loo geliyey mooshin
ay ku saxiixan yihiin 100 xildhibaan, lagana codsaday in 24 saac gudahood uu kulansiiyo baarlamaanka (Magcyada xildhibaanada
& mooshinkii oo sidiis u qoran) waa kan
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Salaad Cali Jeelle, Xildhiban Aadan Max’ed Cali & Xildhibaan Ibraahim C/nuur ayaa
daqiiqado ka hor geeyey xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Mooshin ay ku saxiixan yihiin 100 xildhibaan, si xildhibaanada
baarlamaanku kaga doodaan mooshinkaasi, iyadoo warar ku dhow dhow xafiiska guddoomiyaha baarlamaankuna ay sheegayaan in qodobada
ku qoran Mooshinka ay yihiin isla qodobadii madaxweynaha & ra’isul wasaaruhu u soo jeediyen dorraad kulankii ay
la yeesheen guddomiyaha baarlamaanka in uu saxiixo oo ku qornaa Ingiriisi loona soo tarjumay Af-Soomali.
Qoraalka Mooshinka ah ayaa u qoran sidatan:
Jamhuuriyadd Soomaliya
Ku. Guddoomiyaha baarlamnka federlka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan
Mudane Max’ed Cumar Dalxa- Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka
Ujeeddo:- Codsi Kulan Baarlamaan
-Annagoo ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed. -Annagoo gudaneyna waajibaadka na saaran
& dhaartii aan ku dhaaranay in aan daacad u noqono danta dadka & dalka Soomaaliyeed. - Annagoo tixgelineyna dhibaatada
dowlad la’aaneed ee haysata ummadda Soomaaliyeed muddada dheer
-Annaga oo ka cabsi qabna in geedi socodkii nabadda ee mudada labada sano & barka ka socday dalka Kenya loo fashiliyo
sidii shirarkii hore oo kale.
-Annagoo xog-ogaal u ah tabaha guracan ee dad wax-magarato ahi ku doonayaan in ay ku burburiyaan dowladii loo hanka weynaa
waqtiga & maalka badanna loo huray taabagelinteeda. -Annagoo cuskaneyna qodobka 34-aad farqadiisa 2-aad ee axdiga
Qaranka & qodobka 5-aad farqadiisa (X) ee xeer-hoosaadka baarlamaanka.
Waxaan ka codsaneynaa guddoonka baarlamaanka federaalka KMG ah ee warqadani sida tooska ahi ugu socoto in ay golaha shacabka
u qabtaan fadhi aan caadi aheyn muddo 24 saac gudahood si looga doodo go’aan sharciyeedna loog gaaro qodobada hoos ku
qoran.
1. Go’aankii golaha wasiiradda IGAD taariikhdiisuna aheyd 19 Maarso 2005 2. Qorshaha dib u guurista dalka ee
ku aadan:- a) Sidii maamulo loogu sameyn lahaa gobolada & degmooyinka dalka. b) Goobtii ay dowladd si KMG ah ugu
sii shaqeyn laheyd (Baydhabo & Jowhar) iyo in laga furo magaala madaxda dalka xafiis siyaasadeed. c) Qorshihii golaha
wsiirada ee xal u raadinta magaala madaxda dalka. 3. Qorshe 3 bilood ah oo hub ka dhigis & xareynta maleeshiyooyinka
oo laga hirgelinayo dalka oo dhan. 4. In dhammaan xubnaha ka tirsan xukuumadda, baarlamaanka & shaqsiyaadka kale ee
hubka & maleeshiyooyinka ku haysta dalka laga saxeexo axdi cusub oo ku saabsan xabad-joojin & hub ka dhigis, ciddii
ku xadgudubtana la horgeeyo maxkamada dembiyada ee caalamiga ah. 5. Codsi in la abuuro guddi caalami ah oo ay hogaaminayaan
IGAD, AU & Arab League oo u xilsaaran kormeerida & xaqiijinta fulinta qodobd kor ku xusan. 6. In baarlamaanku
ku shiro Baydhabo ama Jowhar haddii guddiga caalamiga ah ee kormeerida & xaqiijinta ee ku xusan qodobka 5aad u arko in
qorshihii xal u raadinta magaala madaxda dalka waqti dheeri ah u baahan tahay.
Waad mahadsan tihiin.
yahye ali gurmad UK
Warbixintii Safarkii Xisbiga UCID Ee Gobolada Bariga Iyo Saaxil UCID
PARTY — Hargeisa, Somaliland — 17 April, 2005
Justice and Welfare Party (UCID)
April. 18, 2005. Hargeisa, Somaliland.
Hordhac:
Socdaalkii uu ku tegay wafdigii xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ( UCID)uuna uu hogaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga
Inj. Faysal Cali Waraabe ee bisha Abriil 3-dii illaa 13-kii 2005 gobolada bariga Somaliland iyo gobolka Saaxil, ayaa wuxuu
ahaa Socdaalkii sideedaad ee xisbigu ku tago gobalada Togdheer, Sool iyo Sanaag illaa sanadkii 2001, waxaanuu imminka ku soo
beegmay seddex sano ka dib geeriddii madaxweyne Cigaal iyo laba sano ka dib markii la doortay madaxweyne Rayaale.
Xaaladda guud:
Gobolada Bari iyo gobolka Saaxil waxay ku sugnaayeen xalaad naxdin iyo murugo nagu beertay, waayo gaajadii
iyo saaboolnimadii ayaa sii baahday, oo shacabkii ka dhigtay foqora siman oon raasna raas dhaamin, qoysna qoys dhaamin, oo
qofna qof dhaamin. Waxaa kaloo ku habsatay abaar saamaysay dad iyo duunyaba oo u baahan gurmad degdeg ah oo ah heer caalamiya
iyo mid qaran.
Baahida baahday waxay ku qasabtay dadkii reer xoola dhaqatada ahaa in ay dhirtii shitaan iyaga oo dhuxul ka
doonaya si ay uga helaan nolol maalmoodkoodii. Baabuurkii kaa hor yimaadaaba oo sida caadado ahaan jirtay xoolaha sidi jiray
hadda nasiib darro wuxuu baabuur kastaaba sidaa dhuxul laga soo shiday dhir qoyan. Duruufahani waxay dad badan ku qasabtay
inay ku soo qulqulaan magaalooyinka iyo tuulooyinka.
Haykalka dawladnimo:
Sannadihii hore maamulka dawladnimo wuu ku yaraa Gobolada bariga laga bilaabo gobolka Togdheer, hase yeeshee
wuu kobcayey marka laga soo bilaabo 1997. Dadkuna waxay ku noolaayeen yididiilo iyo rajo ay ka qabaan in haybadda dawladnimo
si fiican u soo gaadhi doonto.
Haddaba safarkankan aan ku tagnay gobolada bariga waxa ka muuqatay dawlad la’aan, rajo la’aan iyo
yididiilo la’aan oo sababtay in sharcigii gacanta lagu qaato.Waxayna arrintani keentay isku dhac beeleed oo keenay dhimasho
iyo dhaawac oo nabad gelyadiina xumaysay. Shakhsiyaadkii ka waakiilada ahaa dawladda dhexe sida Badhasaabka , boliiska iyo
madaxdii hay’adaha dawladda waxaa ku dhacay dhaqaale la’aan, niyad jab iyo karti darro markii dawladii dhexe waxba
ka qaban weyday baahidoodii . Maamul la’aanta gobolada bariga waxay keentay dilal gaadhaya 18 qof oo ka dhacay gobolka
Sanaag oo keliya illa bishii Dec.2005. Taasi waxay ku tusaysaa in markii waxqabadkii dawladnimo meesha ka baxay ay beelihii
wada deggenaa isku dileen dhaqalaha yar iyo mashariicda yar yar ee ay hay’adaha ajnabiga keenaan.
Dhammaan shacbiga aan la kulanay su’aasha qudha ee ay mar kasta ku weydiinayaan waxa weeye Meeday Dawladdii.
Gobolka Sanaag waxaad mooddaa in loo diyaariyey loona banneeyey in ay Majerteeniya qabsato sidii LaasCaanood,
inkastoo shacbiga Sanaag Bari oo si xooggan u doonaya in la soo gaadhsiiyo maamulka ay ku dhacday niyad jab weyn iyo shaki
ay ka qabaan madaxda Somaliland, iyagoo isweydiinaya tallow xukuumaddu daacad ma ka tahay gooni isu taagga Somaliland.
Magaalada Ceerigaabo oo maamulka soomaliland ku xooganaa mar wakhtigii Marxuumkii Cigaal, ayaa imminka waxa
ka jira maamul daciif ah oo magac u yaal ah. Waxaana qas ku haya gacmo madow oo ka socda Majeerteeniya, iyaga oo ku guulaystay
in ay kala foogeeyaan beelaha wada deggen. Waxay arrintani dhalisay nabadgelyo xumid ay hay’adihii sama falku ka hawl
geli kari waayaan degmada ceerigaabo. Waxaannu ogaanay mar kasta oo ay doonayaan in hay’aduhu ka hawl galaan gobolka
in ay maamulka Majeerteeniya oo warbixinta ka hela magaalada Nairobi ay ka ridaan falal argagixiso si loogu arko gobolka meel
muran ka taagan yahay. Waxay Majerteeniya ku guulaysatay in ay gurato khayraadka Gobolka Sanaag Sida Xoolaha, Beeyada iyo
Kalluunka ayna ku beddelato Lacag faalso ah oo Cabdillahi Yusuf soo samaystay.
Dhammaan dadka gobolada Barigu waxay na weydiiyeen sababta lacagta soomaliland loogu keeni waayey.
Xaaladda Nabadgelyo:
Dhamamaan waxa ay goboladaasi ka siman yihiin nabadgelyo ku fadhida is afgarsho dhexmartay beelaha wada deggen
oon sal adag lahayn. Dhammaan waxay ka siman yihiin iyagoo ay ka hawl galaan boliis ka soo jeeda beelaha wada deggen oon tababar,
aqoon iyo dirays lahayn. Isla markaana mushahaar fiicanna aan qaadan. Waxa kale oo nasiib darro ah in ciidanka boliiska marka
ay hawl gal samaynayaan in la kala saftaan ciddaha ay yihiin sidii ka dhacday magaalada Ceerigaabo maalintii Sabtida ee ay
bisha Abriil ahayd 9-ka. Waxaa xusid mudan in nabadgelyda gobolka Sanaag ay gacanta ugu jirto ciidanka qaranka ee lixaad.
Waxayna arrinatani ka mashquulisay hawshoodii loo igmaday.
Waxaannu ku soo ogaanay in gobolada bariga ay wasaaradda arrimaha guduhu ay hawl gab ka tahay.
Xalaadda Caafimaad.
Gobalaadaasi waxay ka siman yihiin adeegyadii caafimaadka oon dhammaantood aan shaqaynayn, degmooyinkana aanay
joogin Dhakhtaro iyo Kalkaaliyaal. Waxaana goboladaa ku sii badanaya cudurada TB-da, nafaqao darada iyo dhimashada carruurta.
Waxaa nasiib darro ahayd in cisbitaalka magaalada Burco ay ugu dhinteen qaar ka mid ah ardaydii gaadhigu kula dhacay duleedka
Shiikh daryeel la’aan ku dhacday dhaawacii la dhigay CisbitaalkaGuud ee Burco.
Xalaada Waxbarashada .
Heerka waxbarashada ee goboladdaasi aad bay uga hooseeyaan heerka waxbarasho ee gobolada Awdal iyo Hargeysa.
Magalada Berbera waxaannu ku soo aragnay arday wax ku dhiganaysa fasal 4x4m oo aan marawaxad iyo AC toona lahayn oo arday
gaadhaysa 70 carruuri ahi fadhido.
Xalaada Dhaqaalaha .
Madaama laf dhabarka dhaqalaha dalku ahaa xoolaha nool, laana joojiyay. Isla markaana Gobolada barigu ay aad
ugu tiirsanaayeen dhoofinta iyo iibka xoolahaa, ay arrinatani dhabar jab ku noqotay dhaqaalihii goboladaas si gaar ah. Isla
markaana aanay jirin wax lagu beddelay, ayaa kor u sii qaaday shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay shacabkii Somaliland
siiba gobolada Bariga, tiiyoo ay heerka baahido marayso 95%. Waxaana noo caddaatay inay tani tahay meeshii ugu hoosaysay ee
heerka baahida ee taariikhda Somaliland.
Aragtida UCID:
Waxa xaqiiqo noqotay in labo sano ka bacdi markii loo doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa hoggaanka dalka
bishii Abril 2003, awoodna loo siiyey inuu dhiso dawlad qaran oo kooban oo tayo leh, kana xor ah beelnimo, inuu iska dhego
tiray, magacaabayna dawlad ka kooban 47 xubnood oo waxay ku salaysan tahay aanay jirin. Isla markaana wuxuu xukunkii ku soo
uruuriyey koox yar oo badankooda hore u qaban maamul heer qaran, khibradna lahayn. Kooxdaasi waxay awoodoodii isugu keeneen
inay go’doomiyaan madaxweynaha, iyagoo ka fogeeyey dareenkii shacbiga iyo xaqiiqada dalka ka jirta.
Kooxdaasi waxay madaxweynaha u tustay in xisbiyada mucaaridku aanay dalka wax talo ah ku yeelan, ayna yihiin
cadow ku jihaysan isaga.
Maamulka Madaxweyne Rayaale intii uu xilka hayey, waxa caddaatay inuu maamulkii uu dhaxlay daciifay, dhaqaalihiina
xaalufay, musuqmaasuqiina baahay, Dekeddii Berberana soo xidhmayso, shirkadihii waddaniga ahaana ay kaceen sida shirkadihii
diyaaradaha iyo dhismaha, wax ka dhaca mooyee, waxna ku soo kordhin dalka. Waxa kale oo soo yaraaday sharaftii,sumcaddii iyo
haybaddii aan ku hanan lahayn aqoonsi caalamiya, tiiyoo uu maamulka Rayaale dhaawacay magaca Somaliland ku lahayd dhawrista
xuquuqda bani aadamka iyo diimuqraadiyadda. Isla markaana uu dhantaalay hanashadii iyo sugiddii xuduudaha Somaliland. Intaas
waxa ka sii daran intii uu xilka hayey inuu soo fayday, soona banneeyey degmada Laascaanood, sababtayna in maleeshiyada Majeerteeniya
si hawl yar u qabsato.
Waxa kaloo dhacday in nidaamkii iyo kala dambayntii dawladnimo ay debecday oo sharcigii meesha ka baxay. Cidina
cid ka amar qaadan. Maxkamadihiina ay noqdeen goob xaraash. Waxa kale oo beryahan dambe soo if baxay in wasiiradii madaxweyne
Rayaale ay nabadgelyadii dalka khal khal gelinayaan, iyagoo isticmaalaya tabo, cago juglayn iyo awood sheegasho sidii arrintii
foosha xumayd ee lagula kacay xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargeysa iyo maalintii xisbiga UCID ka hadlayey fagaaraha xarunta
xafiiska Burco. Daqan xumidan oo astaan u ah maamulada fashilmay.
Waxa uu xisbiga UCID ugu baaqayaa madaxweyne Rayaale in uu raalligelin (apologise) degdeg ah ka bixiyo falalkan,
isla markaana uu tallaabo sharciya ka qaado ciddii ka mas’uulka ahayd.
Haddaba dhacdooyinka iyo qaar kale oo badani waxay ku tusayaan in maamulkani jiritaanka iyo nabadgelyada Somaliland
aanu danaynayn. Isla markaana uu meel kaga dhacayo karaamada shacbiga Somaliland ee u soo halgamay dalkooda si ay u gaadhaan
horumar iyo caddaalad.
Haddaannu nahay Xisbiga UCID waxaannu ka xunnahay in Madaxweyne Rayaale caaddaystay inuu ummadda u sheego ballanqaadyo
aannu fulin sida Wafdigii wasiirada ahaa ee ka imanayey Djibouti, Xafiiskii Djibouti ee ay ka furanayeen Hargeisa, Derajadii
Ciidamada, Idaacadii iyo TV-gii weynaa, Wafdigii AU ee xaqiiqo raadiska ahaa iyo wafdigii Koonfur Afrika.
Waxa kaloo xisbiga UCID ogaaday in Madaxweyne Rayaale oo xafiiskiisa fadhiisto seddex maalmood oo keliya toddobaadkii,
taasoo keentay in Wasiiradiisii intooda badani ku daydeen oo aanay ka soo xaadirin xafiisyadooda, wax hawl ahna aanay ummadda
u qaban.
Ugu dambayntii waxa Madaxweyne Rayaale maamulkii dalka ku soo uruuriyey magaalo madaxda Hargeisa oo keliya.
Soo Jeedin:
Waxa Xisbiga UCID ugu baaqayaa Madaxweyne Rayaale inuu shacbiga u sameeyo dawlad ka soo baxda waajibaadka qaran
ee loo igmaday. Isla markaana uu fuliyo ballamihii badnaa ee uu u qaaday shacbiga. Waxa aannu Madaxweynaha uga digaynaa
in haddii aanu wax ka beddelin hab dhaqankan in dalku geli doono mugdi iyo qalalaase uu isagu mas’uul ka noqon doono.
Waxaannu ogeysiinaynaa Madaxweynaha in shacbiga Somaliland iyo xisbiyadu qaranku ay qaanac taagan yihiin, dulqaadkiina ka
yaraanayo, loona dulqaadanayn intaa wax ka badan in la daawado dalkii oo sii dumaya. Waxa xisbiga UCID u muuqatay in awooddii
loo igmaday madaxweyne Rayaale ay gacmo kale la weheliyaan, una madax bananaanayn go’aamadiisa. Waxa xisbiga UCID
uu si xoog leh u cambaaraynayaa cabudhinta iyo cago juglaynta ay la soo baxday xukuumaddu, laguna tirtirayo xuquuqdii muwaadinka,
laguna jabinayo distoorka. Waxaana u dambaysay dhacdadii loogu diiday Dhallinyartii Mujaahidiinta in ay shir ku qabsadaan
Hoteelka MingSing. Ugu dambayntii waxa xisbiga UCID ku boorinayaa shacbiga Somaliland inay illaashadaan midnimadooda, nabadgelyadooda,
iyo qarankooda, iskuna hallayn xukuumadda Rayaale ee gabtay hawsheedii. Isla markaana ay iska illaaliyaan danaystayaasha kala
qaybinaya ee aan danta ummadda wadin.
cabdi qani mataan hargaysa
abdiqani77@hotmail.com
xubna katirsan labada gorle ee DFKMG oo saa ka ka anbabaxay Nairobi
Nairobi (April 16, 05): Wafdigan oo uu hogaaminayay Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad
ahna wasiirka warfaafinta Maxamuud jaamac sifir ayaa ka koobnaa 16 xubnood oo iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano waxa ayna
ku sii jeedaan caasimadda soomaaliya ee mogadisho.
Xubnaha wafdigan waxaa ka mida ahaa Jaamac Cali Jaamac, Xirsi aadan rooble, Coll Cumar Axmad
Jees, Bashiir Maxamad Aadan, Maxamad Xasan Daryeel, Inj,Maxamad Xuseen Caddow, Maxamad aadan waayeel iyo xubno kale oo
ka tirsan labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka.
Waayadan dambe waxaa socda wafdiyo ku soo jeeda caasimadda soomaaliya ee mogadisho,halkaas
oo ay horay ugu sugnaayeen qaar badan oo ka mid ah labada golle waxaana lagu magacaabay guddi ka kooban 25 xubnood oo
wax ka qabta howlaha nabadaynta iyo isku keenida maliishiyaadka kooxaha iskaga soo horjeeday halkaas xubanahan waxa ay kala
qayb qaadan doonaan barnaamijka ay wadaan xubnahaasi.
Todobaadka soo socda maalinta arbacada ah ayaa lagu wadaa in wafdi gaaraya 90 xubnood oo kala
socda labada gole ay garaan isla xamar,iyadoo ugu dambayna uu gudoomiyaha baarlamaanka tagi doono bishan aaqirkeeda magaalada
mogadisho halkaasi oo ay badi dowladda iyo baarlamanku iskugu tagi doonaan sida muuqata.
Dowladda ayaa ku tilmaantay tagista xubnahan in aysan ahayn mid salka ku haysta nidaam sharciyeed
oo ka yimid dowlada ama baarlamaanka balse aysan waxba ka duwanayn sida hadalka loo dhigay dad booqanaya eheladooda.
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka ayaa keenay in dowalda iyo baarlamaanka isku
khilaaftay arrimo ku saabsan xaga sharciga iyo awooda, mid walba oo ka mid ah labada golle waxa uu kan kale ku eedaynayaa
in uu ku xadgudbay dastuurka,waxaana ay mas'uuliyiinta dowladda si cad u sheegayaan in wasiirada baxay ay abuurayaan
jawi mucaaradnimo oo ay ku fashilinayaan dowlada kaas oo wax kama jiraan ka dhigaya shirkii mudada badan lagu bixiyay waqtiga.
|
Soomaalida ku nool magaalada London oo Bannaabax ku hor sameeyey Safaaradda Sacuudiga
Ridwaan Xaaji Cabdiwali London, Uk
London, UK April 15, 2005 (HOL) - Boqolaal Soomaalida ku nool
dalkan Britain ayaa maanta waxaa ay ku hor banaan baxeen safaaradda Sucuudigu ay ku leedahay Magaalada London iyagoo ku miijinayay
sida ay uga soo horjeedaan dilkii xukunka ahaa ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay ku fulisay Boqortooyada Sucuudiga horaantii
Bishan Abril.
Soomaalida banaan baxayay oo sitay Boorar ay ku qoranyihiin hal kudhigyo ay kamid yihiin Sucuudigu
ha dhaco iyo Shareecada Islaamku in aysan ogolayn dilkii 6da dhalinyarda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku sheegeen in dilkaasi
uu ahaa mid aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka iyo Xuquuqda aadanaha, waxaana horay dilkan uga hadlay Amnesty oo u dooda
Xuquuqda Aadanaha.
Banaan baxan oo ahaa mid nabadeed kama dhalan wax rabshado ah iyadoo ay dhinaca kalana si wayn u joogeen
Safaaradaasi qaar katirsan Policeka dalkan oo u yimid in ay ka hortagaan hadii wax rabshado ay dhacaan isla markaana qaarkood
waxaa ay ii sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in si wax dhibaato ah aanay ku dhaqaaqin Soomaalida Mudaaharaadka samaynaysay.
Dhinaca
kalana waxaa Soomaalida Mudaaharaadka dhigaysay ay dalbanayeen in Magdhow la siiyo qoysaskii ay ka soo jeedeen Dhalinyaradii
soomaaliyeed ee Sucuudigu ay Xukunka dilka ah ku fuliyeen isla markaana waxaa waraaqahaasi la gudoonsiiyay Policeka oo sheegay
in ay gaarsiinayaan safaaradda.
OGEYSIIS: Gudigii qaban qaabshay Banaanbaxan waxaa uu Soomaalida Britain ku dhiiragalinayaa
in laga soo qeybgalo Banaanbax kan la mida oo dhici doona maalinta Isniinta oo ku beegan 18-ka April labada duhurnimo ilaa
lixda maqribnimo. Ciddii kale ee dooneysa in ay qabanqaabiyaan banaabax looga soo horjeedo dilkii loo geystay dhalinyaradii
Soomaaliyeed, nagal soo xiriira e-mailka ah: bannaanbax
gurmad05@hotmail.com
|
Dudmada KULMIYE, Damaca Xukuumadda Iyo Dedaalka Dhex-Dhexaadinta
Ee Komishanka Doorashooyinka Iyo Shir-Gudoonka Baarlamaanka Kulan Xalay ... xidhinta.tripod.com —
Hargeisa, Somaliland — 16April, 2005
Dudmada KULMIYE, Damaca Xukuumadda Iyo Dedaalka Dhex-Dhexaadinta Ee Komishanka Doorashooyinka Iyo Shir-Gudoonka BaarlamaankaKulan
Xalay Ka Dhacay Madaxtooyada Iyo Tibaaxaha Ka Soo Baxay
Hargeysa, April 12, 2005 (Haatuf) – Tan iyo markii uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay inaanay
wax wada shaqayn ah la yeelanayn xukuumada madaxweyne Rayaale, ilaa inta laga furdaaminayo dhacdadii lagu fuliyey xafiiskooda,
waxa socday dedaalo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac ee xukuumada iyo xisbiga KULMIYE.
Waxaana jirey ergooyin ka hawlgalay arrintaa oo ay ka mid ahaayeen komishanka doorashooyinka iyo shirgudoonka labada gole.laakiin
waxa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan halka ay marayaan hawlahaasu iyo sheekooyinka ku dhex-dhexaadinta, iyadoo ay
wararkii ugu dambeeyey ee xalay ka soo baxay ilo u dhuun daloola madaxtooyada sheegeen inay xalay fiidkii kulmeen madaxweyne
Rayaale iyo komishanka doorashooyinku, isla markaana waxay wararkaasi tibaaxeen inay xubnaha komishanku madaxweynaha kala
hadleen sidii xaalada loogu soo dabaali lahaa wada hadal, balse ma jiraan xogo intaa dhaafsan iyo warar ka soo baxay kulamadaas.
Hase yeeshee waxa jirey dedaalo kale oo ay wadeen shirgudoonada labada gole oo ku saabsan isu soo dhaweynta labada dhinac
iyo xalinta khilaafka soo kala dhexgalay xukuumadda iyo xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, waxayna warar xog-ogaal ahi sheegeen
inay shirgudoonku u balansanaayeen dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay inay la kulmaan madaxweyne Rayaale, balse aanay taasi
u suurtogelin, ka dib markii sida ay wararku sheegeen gudoomiyaha golaha wakiiladu ka soo daahiri waayey halkii lagu balamay
oo ahayd xafiiska madaxweyne ku xigeenka, iyadoo uu goobta yimi oo keliya gudoomiyaha golaha Guurtida, waxayna arrintaasi
walaac ku abuurtey dedaalkii dhex-dhexaadinta ee ay wadeen shirgudoonku, isla markaana waxa dhicisoobay kulankii ay xubnaha
shirgudoonka labada gole doonayeen inay ugu tagaan madaxweynaha.
Laakiin waxa jira tibaaxo kale oo sheegaya inay dedaalka shirgudoonka labada gole weli ku jiraan sidii ay arrintaa u soo
afjari lahaayeen, iyadoo la sheegay in loo balansan yahay inay kulamo la yeeshaan madaxweynaha maalmaha soo socda.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay golaha wasiiradu fadhigoodii u dambeeyey ku soo qaadeen xaaladan, iyadoo ay
wararka qaar sheegeen inay wasiirada qaarkood soo jeediyeen in gogol xaadh loo sameeyo ergada dhex-dhexaadinta, xisbiga KULMIYE
iyo xukuumada, si arrimaha loo qaboojiyo oo loo celiyo wada shaqayntii iyo kalsoonidii mucaaradka iyo xukuumadda, laakiin
waxay wararku sheegeen in xubno ka mid ah golaha wasiiradu arrintaa ka biyo diideen, iyadoo ay arrintaasi keentay in madaxweyne
Rayaale guddi wasiiro ah u saaro oo ka soo talo bixiya sida loo maaraynayo khilaafkaa, waxayna wararka arrintaaa la xidhiidhaa
tibaaxeen inay xubnahaa wasiirada ahi soo jeediyeen inaan wax wada hadal ah iyo wada xaajood ah lala gelin xisbiga KULMIYE,
iyagoo soo jeediyey aragti kale oo ay doonayaan in sharciyada xisbiga dib loo eego, taas oo ay xukuumaddu dedaal ugu jirto
sidii ay u fulin lahayd, laakiin weli ma cada qaabka sharci ee arrintaa loo marayo iyo halka ay ku dambaysay talo soo jeedinta
xubnaha wasiirada ahi. inkasta oo ay kulamadii ugu horeeyey ee guddida doorashooyinku ku doonayeen inay ku xaliyaan khilaafka
xalay la yeesheen madaxweyne Rayaale, iyadoo kulankooda ka hor la sheegay inay gaar u kulmeen madaxweynaha iyo madaxweyne
ku xigeenku, laakiin ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ay arrintaasi khusayso oo sheegaya waxa guul laga
gaadhay. |
cabdi qani mataan hargaysa
abdiqani77@hotmail.com
Dowladaha deeqbixiyaasha oo sheegay inay guud
ahaan wax dhaqaale ah siin doonin labadda garab ee ay kala jabtay dowladda iyaga oo walaac ka muujiyay inay dowladda Somaliya
qarka u saran tahay wadadii ay ku we lahayd.
xidhinta.tripod.com
Dowladaha eyn deeqbixiyaasha ee loo yaqaan IPF-ta ayaa
markii ugu horeeysay si rasmi ah Madaxda sare ee dowladda gacanta u geliyay Waraaqo Qoraal ah oo ay ku cadeeynayaan inay wax
taageero dhaqaala ah siin doonin labada garab ee dowladda federalka u kala jabtay .
Deeqbixiyaasha Caalamka waxay walaac qottodheer ka muujiyeen inay dowladda federalka Somaliya qarka
u saran tahay wadadii ay ku weeyn lahayd aqoonsi beesha caalamka siiso gaar ahaan dowladaha awooda qayaxan leh oo bishii la
soo dhaafay u muuqday kuwa ka soo rajo dhegayo miradhal ay noqoto dowladda Somaliya .
Wakiiladda beesha Caalamka waxay ujeediyeen madaxda dowladda Somaliya inay la yimaadaan isku duubni
iyo wax qabad dhab ah oo qaban karo Indhaha beesha Caalamka si meesha looga saaro is qabqabsiga iyo khilaafka dhexyaal dhinacyadda
dowladda Somaliya ,waxayna sidoo kale ugu baaqeen madaxda dowladda inay xasuusta hoowlgalkooda ku daraan in dowladda federalka
ee wali dibadjooga ah ay tahay mid ku dhisan awood qeeybsi beeleed iyo dib u heshiisiin sidaas darteedna loo baahan yahay
in wax walba loo derso qaab miisaaman oo ku saleeysan waaya aragnimo iyo maskax degan.
Xubnaha beesha Caalamka waxaa kale oo ay qoraalkooda ugu sheegeen madaxda dowladda inay hakiyaan socdaaladda
faraha badan ilaa dowladda ka heleeyso aqoonsi Caalami ah oo Madaxweynaha uga qeeybgalo shirka Qaramadda Midoobee .
Dalalka deeqbixiyaasha ee loo yaqaan IPF ta ayaa iyaga dhaqaalo badan ku bixiyay mudadii uu shirka socday.
cabdi qani mataan hargaysa
abdiqani77@hotmail.com
ciyaar dhaxmartay maanta xulka Allaybaday iyo Ciyaartowg Harta
sheekha
maanta waxa ciyaar saaxiibti nima ihi dhaxmartay labada ciyaar toy ee Allaybadayiyoo Harta sheekha ciyaartaa soo ka dhacday
goroonka wayn ee magaa lada Allaybaday ciyaartaasoo ku dhamaatay dhinaca 2-1 oo ay guushu ku raacday xulka kubada
cagta ee Allaybaday halkaasow markii ay ciyaartu ay dhamaatay duqamagaalada mudane cabdi farax u gudoonsiiyay kooxaha
bilado ci yaartanoo aad u adkayd ayaan wax dhibihi ka dhicin intii ay socotay shacabka allaybaday oo looga bartay soo
dhawayn aad u qiimo badan ayaa labada dhinacba u tumaayay in tii ay so cotay kubadu waxa laga yaabaa todobaadka soo
socda in ay buuqandoonaan xulka kubada cagta ee allaybaday iya guna
jamaal maxamd jaamac Allaybaday
SOMSLIAND IYO MAAMULKA RIYAALE QISO DHABA
Qisadani waxay ku saabsantahay sheeko u nin laydhahdo daybi u ka sheekeyay marki u ka soo noqday casimada Somaliland
Dayib wuxu ah nin qurbe joogay 20 kii sano ee ugu danbeyey. Dayib wuxu ka soo dagey garoonka diyaradaha ee hargeysa.
Marki ugu horeysay dabadeed isagon dhinaca iyo dhinaca midna egin ayuu dhunkaday dhulka,markaasu yidhi alxamdulila hadaan
ku soo noqday Somaliland oo xor ah.Dayib wuxu ka oo baxay erbodhka isago soo urur sadey alaabtiisi, wuxu markaa bilaabay inu
daydayo tagsi, tagsi..tagsi.. tagsi,
Waxa u yimid Dayib mid yar oo u ku qiyaasay 13 sano oo wata Marka 2. Dayib wuxu yarki isla markiiba waydiyey, mada gadhiga
wata?
Yarki: soodigan arkaya maxaad naga waydinaysaa ayuu ugu jawaabay ki yara, ee xaganu ku geyna.
Dayib: adeer miyaad haysataa lisan.
Yarki : haaa
Dayib: oo adeer mada qangadhay side lagu siyay lisanka?
Yarki: adeer maxaad isu wadiinwayday inu riyaale qangadh yahay iyo inkale?
Dayib: Riyaale qangadh yahayaaaaaaaaaa, adeer maxaaaaaaaaaad ugu jeedaaa?
Yarki: Adeer waxaan uga jeeda,Riyaale karti u wax ku maamulo ma laha, aqoon ma laha,Wasiradiisuna waxay ka turjumayaan sidu
yahay isagu.
Dayib; adeer maan fahmin, maxaad uga jeedaa wasiradiisu waxay ka turjumayaan siduu yahay
Yarki:waxaan uga jeedaa hadu caqli badan yahay wuxu dooran lahaa dad caqli badan oo maamulka yaqaana,ma wuxu ka dhigan laha
wasir dhakhli miskinka yar ee jadalah ka ahaan jiray Ingiriska ee wax kalana lagu xaman jiray, Marka 2 gayga ayaanan darwal
ugadhigeene
Dayib: adeer magaci wasirka dakhliga
Yarka: Ismail ilma hundul, maye ee waa Ismail Faqash
Dayib : Adeer Ismail miyaanu ahayn kii u dhalay odeygi hebal ahaa iyo islaaaaaaanti heblayo aheyd.
Yarki: Haa waa isaga.
Dayib: waan aqaanaye , isku reer ayaanu nahay,wale halku kasi joogo inaan khayr oo lin, oo talow wax maamulida xagu ku bartay
waa ki sacsac ahaaye
Iskuulkan laga erayey
Yarki:Adeer nin iskuulka laga eryey ayuunba looga bahanyahay dawladan ina Riyaale, ileen isaguba iskuul badan mu soo dhigane
Dayib: oo adeer maye Mujahidiinti SNM tu.
Yarki: SNM taa dacday, waar halkan hargeysa waxa jooga Siiraanyo oo sacsac ah,Riyaale iyo Ismail faqash ayaa kolba sida kobada
gidaar ku laada,
Siiraanyana meelaha ayuu la marmaraa Riyaale faqash ayuu ahan jirey, Riyaale ha dhaco, Riyaale ha dhaco. Wuu na dulayey ee
alle ha duleye
Dayib:war fajac iyo cajaib waynaaaaa, war ragi iyo wadanki ma sidan ayaa u danbaysay
Yarki: adeer maxaad wadanka u timid, ma guri ayaad dhisanyasaa mise jago wasir ayaad doonaysaaaaaaaaa inaad iibsato?
Dayib:jago wasira, oo adeer waxaaaaaaaan ku waydiiyay wasirnimadu ma wax la iibsada?
Yarki : adeer xagad ku noleyd waxbab lama socotide , jagadda wasirnimadda waxa la kala siistaa 35000 oo dollar,
Dayib AAAAAAAA, war bal fajacan iyo jabkan eega iyo sidu wadanku ku danbeyay, war maxaad tidhi adeer.adeer inan yar oo caqli
badan ayaad tahay,waxaan ku waydiiyay 13 jir ayaad tahay ee maxa waxaan oo dhan ku ogsiyey
Yarki:Adeer aniga iyo dawaladda Riyaale iyo wasiradiisu miyaanu kala caqli badanay, anigaba si xalal iyo hagarlaan ah ugu
shaqeya agoonti Aabahay ka dhintay.Midkale anigu iskula ayaan maanta dhigan laha hadanu Aabahay ku dhiman lahayn qiradi SNM
ta, ragi garanay qirada SNM ta waa kuwa wada nool ee korsanayaa caruurtoodii, kuwi Aabahay wadanka ka xoorenaayey ayaa maanta
aniga i iskultiray oo lacagtaan iskulka ku dhigan lahaa jebada ku shubta.
Dayib: Adeer waan ka xumay, waligay lababa laba ugayey oo isman odhan waligay tii faqashta mid ka xum ayaa soo noqonaysa.
Dayib: Adeer waa maxay waxan oo naga oo suuqa yacyaa ee aan asturanayn, ee waliba hablaha yar yar u badan
Yark: Adeer wasiradda ,gurtida iyo barlamanka ayey wax kale iibsadaan
Dayib:Adeer maxaaaaaaad uga jeeda wasiradda ayey wax kale iibsadaaaaaan
Dayib: adeer waxaad igaysa hudheel wanaagsan oo suqa badhtankiisa ku yaala.
Dayib: adeer soo tan magaaladi wada dhismatay.
Yarki: haa adeer dadka dabad ka yimaad iyo tugta dawladda u shaqaysa ayaa guryaha qurxda badan ee aad dhinac kasta kaga arki
doonto magaaladda dhistay.
Dayib : adeer maxaad tidhi tugta dawaladda u shaqaysaa!!,
Yarki: Haa
Dayib: aaa, waar wareer iyo fajac waynaaaa!!!!
Dayib: oo adeer dawaladda maxaa laga dhic mayadda waxbab haysata
Yarki: wager waxhaysanta dhacday, waxaas landgursar socda wadadda waa lacagti dawaladda
Dayib: Adeer miyaanu Riyaale dhaqalaha wax ka aqoon
Yarki: Adeer xillig faqashta ninkani wuxu ahaa basaas afweyne sidaan Siiraaaanyo ka maqalay xilig doorashada, aqoontisuna
ma gadhsisna heer jamacadeed, markaa taclintaba wuu ka baqdaa
Dayib: Adeer wadooyinka hargeysi waa sidaan kaga tagey 20 sano ka hore, miyaanay dawladu dhisan wadooyinka
Yarki: adeer tan lama yidhahdo dawlad ee wax la yidhahda ayaan daran, shicibkan way ka shaqaysata, dulig iyo qudhunki u ina
cigaal ka tagey
Ayey si xoojista, dadkuna waxay u kala fadhiyaan beelo, wasarad kasta wax iska leh reer, wasaradu waxay fulisa 1. danta Riyaale,
2.danta wasirka haysat iyo qabilkiisa. Beelihi Somaliland waa wada mafsuud oo beel waliba wasaarad ayey ka soo jedaha
Tarafik: bib...bib waar istaaaaaaag, waa tarafik wadanka Somaliland istaaaaag
Yarki: waar maxaaaaaaad na ledahay canburow
Tarafik: oo waxaad sidaa nin soo degaye, adeer bal soo deg waan ku waraysanynaye
Dayib: oo adeer ma gadhi ayaaaan wadaaaaa maxad igu falaysaaaaaaan.
Tarafik: Adeer gadhigan aad fushantay muraayad ayaa jaban, markaaaa adiga iyo gadhigaba waxaanu idingeynaynaa saldhiga
Dayib: Adeer gadhiga inay muraydi jabantahay gartay ee aniga ma murayd ayaa i jaban, rakaab ayaan ahaye?
Yarki: Adeer woxoga inooga soo dhib, adiga ayey ku qashqashayaane.
Dayib: waryaa yidhi faqashti waytagay, oo tanba ka darane , oo xiligi faqashti waxaan iyo wax la mid ahi may dhic jirine.
Dayib: wuxu siiyay 30 kun oo land ah tarafik.
Dayib: Adeer waan dalaney bal hudhel ila gaadh.
Yarki: Adeer hudhelkan waxa la yidhahda Qalbiwanaaje waxa ku soo daga dadka dibada ka yimid, waxanan maqalay adeegsu wuu wanaagsan
yahay.
Dayib:Haa bal kanun igu daji adeer, kiradu tagsigu waa imisa adeer?
Yarki: 100 dollar
Dayib:adeer waa maxay waxagu waa fowde, ma waxaad isleday dabada ayuu ka yimid oo waxba ma garanayo.
Yarki:adeer wadankan sharci ma jiro, qimo ay dawladi goysay ma jiro, nin waliba wixisa wuxu doono ayuu ku ibinayaa, ee waxaad
bixisaa 70 dollar.
Dayib : Dayib intu madaxi lulay ayuu 70kii siiyey yarki, bal shandadah ila gee qolka adeer.
Hotelka: adeer maxaad doonaysa “double room mise single room”
Dayib : adeer kaligay ayaan ahay ee maxaan ku falayaa double room ka, adeer isi single room.
Hotelka: Shaqalihi way ku qosqoslen Dayib, waxay ka yar dareemeen dhowra nimo.
Dayib: adeer waa imisa single room ku?
Hotelka: 30 dollar.
Dayib: qolkiisi ayuu furtay, waanu iska yar madhay, sacadu markaa waxay ku soo dhowday abaara 13:00 saco.
Manager hotelka: Maalin wanaagsan dayib, miyaad oo bahantahay “extra service”.
Dayib:Adeer waa maxay “extra service”.
Manager hotelka: “Extra service” waa hadaad u bahantahay hablo yar yar oo 14 jir ah, khamri, daragis intaba waa
lagu keenayaaa.
Dayib: “Bismillahi raxmaan raxim” , war miyanaan joogin wadan muslim ah iyo umad muslin ahi mel ay joogto!.
Dayib: imikadaa waxaan tilifoon u dirayaa boolikska oo aan u sheegay waxaad ka wadaan mesha.
Manager hotelka:Adeer hay isdalin hutelku wuxu haysta waraqo sharciyeysan,hutelkana waxa qayb ku leh wasirka dakhiliga ee
Somaliland,
Riyaalena waa ogyahay, waligina ma diidin wax u wato Ismacil yare.
Dayib: adeer qolkayga iga baxa, waan yar jifsanayey.
Boolis: laba nin oo ka socda booliska somaliland oo hubeysan ayaa yimid sacad kadib waxanay garaceen qolki Dayib oo nambarkisu
ahaa 20
Dayib: waa kuma.
Boolis: waa anago ka socona booliska somaliland
Dayib: oo maxaad iga doonaysaan
Boolis: Anaga ayaa ku sheegi doone fur albaabka
Dayib: dayib albaabki ayuu furay waxaan arkay inay yihin laba nin oo hubaysan,adeer maxaad iga doonaysaaaan?
Boolis: rabashad iyo aflagaado ayaad ugesatay hutelkan aad ku jirto, markaa waxaan ku qadaynaa saldhiga oon kugu waraysan
doono
Dayib:Adeer waxab maan sameyn
Boolis: saldhiga ayaad dacwadaad ka dhiiban doonta ee soobax.
Dayib: saldhigi ayuu dayib uu racay
Saldhigi: ka saara kabah oo qolka geliya
-------------------- Sheekada inteeda kale waan soo dhamaystirayaaaaaaaaa...................................................
E-mail gurmad05@hotmail.com
Ra'yiga dadweynaha |
Ayaan Xirsi barbaarinteeda hore iyo ciilqabkeeda maanta!
 Noloshii hore ee Ayaan
Ayaan Hirsi Ali waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho 13kii November sannadkii 1963kii, Waana gabar ku soo
kortay naxariisdarro iyo jir dil badan oo hooyadeed u soo geesatay sida ay iyadu wareysi ku bixisay,waxay Ayaan aad ugu soo
celcelisay in hooyadeed ay tahay haweenay aad u adag,haba yaraatee aan ka helin naxariis iyo kalgacal waalidnimo,Ayaan sida
ay sheegtay markii ay samayso wax aan hooyadeed raalli ka ahayn ama ay xaddo lacag ay doonayso in ay wax ku soo iibsato in
hooyadeed aysan uga aaba yeeli jirin ama aysan kala baqiili jirin habaarka iyo dilka,waxay kaloo Ayaan sheegtay in hooyadeed
ay habaari jirtay timaha ay ka jiidi jirtay ilaa ay ku dhex jiiddo qolka gees ilaa gees,waxay tiri:korkayga iyo meel kasta
dhaawac ayaa ku lahaan jiray,waxay ila dhici jirtay gacanteeda amaba ul iyo wax kastoo ay ka gaari karto ama ka hor yimaado
(Zodra zij in de gaten had dat er geld uit haar portemonnaie was verdwenen, begon ze te vloeken, greep mij
bij mijn haren en trok me de hele kamer door. Ik had altijd overal schaafwonden. Ze sloeg me met de hand, met een stok of
met iets anders wat binnen haar bereik lag.)
Ayaan iyo sidfa ay u aragto diinta islaamka:
(Mijn geloof is een geloof van angst geweest. Bang om dingen fout te doen. Bang dat Allah boos zou
worden. Bang om in de hel terecht te komen. Bang voor vlammen, bang voor vuur. Allah was als de overheid: overal en altijd
aanwezig Ik heb gebeden toen ik pijn had, ik heb Allah gesmeekt dat hij ervoor zou zorgen dat mijn moeder ophield met slaan)
Ayaan waxay sheegtay in diinta islaamka ay tahay diin cabsi ka buuxa,waxaan ka baqi jiray in aan qalad sameeyo,in
Ilaahey ii caroodo,in aan cadaabta galo,Ilaahay wuxuu ahaa sidii dowlad oo kale,meel kasta iyo markastana wuu joogay,markii
xanuun i hayo waxaan aad u baryi jirey Ilaahay in uu xanuunka iga qaado,waxaan kaloo Ilaahay aad uga baryi jiray in ay hooyaday
iga joojiso dilka ay igu hayn jirtay.
Ayaan mey soo helin sida ka muuqata iyo sida ay dad badan ku nuuxnuuxsadeen jacayl, xanaano iyo daryeel ruuxi
ah,taasina waxay markhaati cad u tahay sida ay u caraysan tahay ciil badana u qabto iyo sida ay u neceb tahay nolosheedii
hore iyo sida ay u rabto in ay u aarsato.
Ayaan xanaanodarradaas awgeed ayay noqotay mid uu ku dhaco cudurka nafsadda waxaaana ku adkaatay in ay kala
saarto dhaqankii ah huwanayd iyo diinteena muqadaska ah ee islaamka, sida ay Ayaan ka muuqato looma soo kala saarin dhaqanka
iyo diinta,dad badana oo Soomaalida ka mid ahina waxaa isaga qasan diinta iyo dhaqanka,buuggii ugu horeeyay ee ay qorto Ayaan
uguna magac dartay warshaddii wiilasha (De Zoontjesfabriek), waxay aad ugu baab’isay diinta islaamka,haddiise aad akhrisid
buuggaas waxaad arkaysaa waxyaalaha ay qortay oo dhan in uusan shuqul ku lahayn diinta ee ay yihiin dhaqan jaahili ah oo lagaga
dhaqmo waddamada islmaaka qaarkood,iyo waddamo kale oo aan islaamba ahayn,tusaale ahaan waxyaalihii buuggeedaas ku qornaa
waxaa ka mid ahaa (Als mijn oma werd gevraagd hoeveel kinderen ze had, zei ze: "Eén." In feite had ze negen dochters
en één zoon. Dat zij maar één kind hadden. "En wij dan?" vroegen ik en mijn zus. "Jullie gaan voor ons zoontjes krijgen,"
antwoordde ze)haddii la weydiiyo ayeyadey bay tiri:inta carruur ah oo ay dhashay waxay ku jawaabi jirtay waxaan dhalay
hal qura ama hal wiil keliya, xaqiiqduse waxay ahayd in ay lahayd wiil iyo sagaal gabdhood,oo annagana markii ay weydiisay
Ayaan iyo walaasheed ayeeyadood waxay ku jawaabtay idinka ayaa wiilal noo dhali doona.
Ayaan waxaa aad looga soo dharjiyay xiqdi iyo in la inkiro jiritaankeeda,waxaa loo soo sheegay in ay uun qiimo
lahaan karto markii ay wiilal badan ay dhasho sida ay ku sheegtay buuggeedaas warshaddii wiilasha,waxa ay buuggaas ku qortay
sidatan (Ik werd er wanhopig van. Wat moest ik met mijn leven op aarde? Zoontjes baren! Een zoontjesfabriek worden.
Ik was toen negen jaar", Om hun toekomstige functie als zoontjesfabriek zo goed mogelijk te vervullen),waxaa iga
guurtay rajadii,maxaan ka yeelaya noloshayda iyo dunidan ama ma sidaas ayuun baa la ii abuuray? wiilal uun in aan dhalo! in
aan noqdo warshada samaysa wiilasha,xilligaas da’daydu waxay ahayd sagaal sano.
Ilaa iyo intii aysan soo gaarin
Yurub waxay Ayaan ku soo kala noolayd waddamo kala duwan sida Kenya Itoobiya iyo waddanka Sucuudiga,halkaas oo uu ka sii kobcaysay
quraafaadkii iyo jaahilnimadii maskaxdeedii hantiyay waalli maldahan,ugu danbayntii Ayaan waxaa ka guuray wax la yiraahdo
xishood,baqdin Allah ah iyo xaqdhowr.
Diinta markii ay ka baxday: Ayaan iyadoo hal lug ku taagan aanay habayaraatee aan wax cilmi ah u lahayn
diinta islaamka iyo jiritaanka Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa,ayay akhrisay buug uu qoray nin diin laawe ah magaciisana la
yiraahdo Herman Phlipse,buuggaas kaddib akhriskiisa waxay ku dhawaaqday in ay tahy qof aan aqoonsanayn Ilaahay iyo diin kastoo
dunidan ka jirta.
(Het lezen van het boek Het atheistische manifest (1995) van de Utrechtse filosoof Herman Philipse, met wie
ze later een verhouding zou krijgen, heeft het laatste zetje gegeven. Dat boek had ze al een tijd in huis, maar ze draaide
eromheen. Toen ze het las, wist ze zeker: God bestaat niet,kaddib markii ay akhrisay buuga la yiraahdo
faafinta (manafeesto) diinlaawaha ah (Atheïstisch manifest) ee la soo saaray 1995 soona saaray ninka u dhashay magaalada Utrecht
ee dalka Holland lana yiraahdo Herman Philibse ayay la saaxiibtay marki daanba waxa ka dhexeeyay wada noolaansho (guur la’aan).
Buuggaas in badan ayay guriga ku haysatay markii danbanaa waxaa u cadaatay in uusan jirin Ilaahay,Ayaan
waxay ku soo kortay dhibaato iyo naxariisdarro,waxay weyday kalgacalkii hooyada iyo aqoonsigii bulshada,taasina waxay keentay
in ay aqoonsi ku raadsto wax aan jirin in ay iska sheeg sheegto si magaceeda meel kasta loogu hayo.
yaxye cali gurmad uk
gurmad05@hotmail.com
|
|
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo laga hor istaagay in uu fagaare ku yaala Magaalada Berbera
kula hadlo taageerayaashiisa
Arbaco, April 13, 2005(HOL)@19:00GMT: Wararka
naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Feysal Cali Waraabe laga
hor istaagay in uu fagaare ku yaala magaalada Berbera kula hadlo taageerayaashiisa.
Guddoomiyaha
ayay xayiraaddaas dul dhigeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee magaaladaas, iyadoo laga hortegayo in uu afkaartiisa
ka soo horjeedda Xukuumadda Somaliland uu dadka u sheego.
Markaasi kadib ayaa la soo weriyay in uu
Md. Feysal Cali Waraabe uu taageerayaashiisa kula hadlay Xarunta uu Xisbigiisa ku leeyahay magaalada Berbera, isagoo weliba
si kulul ugu dhaleeceeyay Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Riyaale in ay dadka caburineyso, wuxuuna tusaale u soo qaatay
wariyayaal dhowaan lagu xiray magaalada Hargeysa iyo weliba baaritaankii sharci darrada ahaa ee lagu sameeyay Xarunta Xisbiga
KULMIYE, iyadoo lagu eedeynayay in ay Xarubta Xisbiga ka hadasho Idaacad gudbisa afkaaro ka dhan ah kuwa Dowladda.
Md. Feysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu
sheegay in ay habacsanaan la soo deristay Xukuumadda Somaliland, isagoo si gaar ahna farta ugu ishaaray in Madaxweyne Riyaale
uu ku hungoobay wax u qabashada dadkii doortay.
Guddoomiyaha Xibsiga UCID Md. Feysal Cali
Waraabe oo dhowaan BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u waramayay ayaa sheegay in ay fashilantay Xukuumadda uu hoggaaminayo
Md. Daahir Riyaale kadib markii ay dhegaha ka fureysatay cid kasta oo talo siin lahayd haddii ay ahaan lahaayeen Axzaabta
Mucaaridka ah iyo cid kaleba.
Si kastaba arrintu ha ahaatee hadalladan
dhaleeceynta ah ee ka soo yeeraya Md. Feysal Cali Waraabe ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka yihiin u diyaargarowga Xisbigiisa
ee doorashada Somaliland ee soo socota, isagoo dhowaana socdaallo ku soo kala bixiyay deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo
Sanaag.
cabdi qani mataan hargaysa
abdiqani77@hotmail.com
|
Muuqaalka garabyadda hubeeysan ee isku haya Somaliya”Kooxdee ku xoog badan dhinaca
gaashandhiga,degaanka iyo tiradda,Qormo.
Xidhint.tripod.com 12.04.05 Nairobi
Waxaa soo baxaya ififaalo colaadeed oo dib uga curta dalka Somaliya waxaana shalay gaaray Wasiiro iyo
Xildhibaano ay horkacayaan hogaamiyaashii dagaalka qeeyba ka mid ah goboladda Somaliya ,dowladii mudada dheer lagu foolinayay
Kenya oo guud ahaan loo dhisay tiir dhexaadyadii ay ku istaagi lahayd ayaa hada u muuqato mid ku kala tagtay dhinaca aragtida
siyaasada,waxayna u kala jabtay labo garab oo xoogan kuwaas oo iminka sida muuqato isku hayo ka arriminta Somaliya.
Inkastoo Ujeedka ugu weyn ee la isku khilaafsan yahay lagu tilmaami karo Garasho la’aan iyo Garwadeen
xumo gaar ahaan xagee la dejinayaa dowladda iyo Ciidamadda dalka imaanaya kama mid noqon karaan kuwa deriska ah iyo waa ka
mid noqonayaan.
Hadaba dareenka dadka ayaa aad u kacsan waxaana muuqato in shacabka iyo kooxaha hubeeysan ee aan dowladda
ku jirin sida ganacsatadda ,wadaada Diinta iyo Hogaamiyaasha kale ee dalka Somaliya ay durbadiiba la kala safteen oo ay ku
fikir yahiin labada qeeybood ee Madaxdii iyo Majahii dowladda u kala baxeen
Bal aan Qormadaan ku tilmaamo sida ay isugu siyaasad yahiin si loo helo sawirka guud ee cida leh tiradda
iyo tayadda badnaanta degaan iyo gaashaandhig.
1- Muuse Suudi Yalaxow..degaano ka mid ah Muqdisho,Ceelcirfiid ilaa Garsaalo dhanka barina ilaa Ruun ningood ayuu heeystaa kuna
sugan yahiin Maleeshiyadiisa,waana Wasiirka Ganacsiga ee dowladda federalka.
2- Maxamed Qanyare Afrax ,Degaano ka mid ah Muqdisho,Sh/Hoose,Ceelbuur ayuu ka taliyaa ,wuxuuna heeystaa maleeshiya xoogan
isagoo si qaasa gacanta uga taliya garoonka dayniile waana Waasiirka Amniga Qaranka.
3- Cusmaan Caato,Qeybo ka mid ah Muqdisho,dhinac ka tirsan Gaalkacyo,Magaalooyinka Gelinsoor,Hobyo,Ceelhuur ayay ku sugan yahiin
Maleeshiyooyin taabacsan,waana siyaasi lagu tilmaamo inuu taf ku yahay fashilinta Maamul dowladeedyadda waana Wasiirka
Hoowlaha guud ee dowladda federalka.
4- Cumar filish,Qeybo ka tirsan Muqdisho iyo Shabeeladda Dhexe ayuu ka arrimiyaa kuna leeyahay taageerayaasha ugu xoogan,waa
hogaamiye afgaaban laakiin heeysto dagaal yahano isku mowqif ah waana Wasiirka Diinta iyo oowqaafta.
5- Bootaan Ciise Caalin,xaarankunaax,wuxuu heeystaa Maleeshiyo farabadan oo ku sugan Muqdisho ,Ceelbuur ilaa Ceelgaras waxaana
maleeshiyadiisa uu badanaa ka dhaxlay Ganacsade Oorfane waana Wasiirka Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka dowladda federalka.
6- Cabdi Kariim Axmed Cali ,wuxuu leeyahay taageerayaal farabadan oo heeysta gaashandhig Maleeshiya kuna sugan ,Fiidoow,Beledweyn
iyo Buurweyn laakiin Muqdisho kuma lahan awood sidaa u balaaran mana ahan nin dagaaladda jecel ama heeysto Maleeshiyo ka amar
qaadato laakiin wa siyaasi dhinaca siyaasadda ku xeeldheer waana Wasiirka Lacagta dowladda federalka.
7- Cumar Xaashi Adan waa ninka xilligaan ugu awoodo badan Gobolka Hiiraan maadama uu dhintay mudane Xasan Qalaad oo ahaa siyaasiga
dhinaca gaashandhiga kula tartami jiray degaankaas waxaana uu heeystaa kalsoonida shacabka Hiiraan 75% waana Xildhibaan katirsan
dowladda federalka.
8- Maxamed Ibraahim xaabsade waa hogaamiye xoog badan Cudud Maleeshiyana ku leh goboladda Bay iyo Bakool isaga ayaana hada ka
taliyo Magaalo madaxda Baydhabo waana Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federalka.
9- Yusuf Mire Seeraar waa Hogaamiye kooxeed maleeshiyadiisa ay ku amar taagleeyaan degaanadda Dooxadda Jubba iyo Muqdisho waxaa
uu xullufo la yahay Barre Hiiraale waana Xildhibaan ka tirsan dowladda federalka.
10- Cabdilahi Black oo ah Xildhibaan ka soo
jeeda Digil iyo Mirifle waa hogaamiye kooxeed Qarsoon oo inta badan la sheego inuu Cudud gaashandhig oo xoogan ku leeyahay
Gobolka Bay waxaa uuna hada socdaal dhinaca lugta ah uga baxay Muqdisho isagoo hogaaminayo Xildhibaano badan wuxuuna ku sugan
yahay Baydhabo.
11- Maxamed Jaamac Furux waa halgamaa caan ah oo gacanweeyn ku lahaa rididii Xukumadii Maxamed Siyaad Barre wuxuuna
heeystaa maleeshiyo xoogan kuwaas oo gacanta ku hayo qeeybaha ugu muhiimsan Muqdisho sidoo kalana wuxuu taageerada ugu xoogan
ku leeyahay dhinaca galgaduud gaar ahaan cadaado waana wasiir ku xigeenka Naafadda iyo Agoonta.
12- Cabdi risaaq Isaaq Biixi wuxuu ahaa Hogaamiye
kooxeed Maleeshiyo badan leh laakiin miisaankiisa gaashandhiga hoos u dhacay markii Ciidamadda itoobiyaanka qabteen isagoo
dagaal kula jira Maxamud sayid Adan balse wuxuu hadda degaanka gedo ku heeystaa xoogaa Maleeshiya ah iyo taageerayaal waana
Xildhibaan ka tirsan dowladda federalka.
13- Barre Adan Shire Hiiraale waa hogaamiye kooxeed goboladda jubooyinka si weyn uga taliya wuxuuna heeystaa cudud Maleeshiyo
oo aad u xoogan waana wasiirka dib u dejinta iyo dib u dhiska dowladda federalka.
14. Injineer Maxamed Xuseen Cadoow waa Siyaasi mudadii dambe miisaan culus ku lahaa masraxa siyaasadda waana ninka kaliya ee ay
siyaasadda uga dambeeyaan beesha uu ka dhashay ee Ciise Mudulood waxaa uuna heeystaa maleeshiya xoogan waana Xildhibaan ka
tursan dowladda.
15- Jamac Cali Jaamac,Axmed Cumar Jees waa siyaasiyiin caan ka ah Somaliya leh taageerayaal xoogan laakiin hada aan heeysan maleeshiyo
gaara oo iyaga ka amar qaadato waxaase la aaminsan yahay inay abaabulan karaan hadii ay u tafaxeeytaan waxayna hadda ka mid
yahiin labaduba baarlamaanka Somaliya.
16- Cumar dheere waxaa uu ka mid yahay hogaamiye kooxeedyadda ka jira gobolka hiiraan waxaa uuna leeyahay maleeshiyo farabadan
waxaa uuna ka mid yahay raga degaankaa awooda ku leh waana Wasiir ku xigeenka Gaashandhigga.
Guud ahaan intaas oo ka wada tirsan dowladda ayaa isku fikir ah waxaana
ku siyaasad iyo mabda ah garabyadaan hubeeysan.
Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ah hogaamiyaha Maxaakiimta Islaamka ee Muqdisho iyo galgaduud,waana nin hal adag oo dhinaca Diinta
si weyn ugu dhegan,wuxuuna heeystaa dhaqaalo xoogan iyo Maleeshiyo diimeedyo tababaran.
Cabdi Qasim Salaad Xasan waa Madaxweynahii hore wuxuu aad uga soo horjeedaa qorshaha Ciidamo shisheeye lagu keenayo dalka
wuxuuna taabacsan yahay siyaasad ahaan inta diidan kuwaas oo uu hiil iyo hoo siin doono hadii arrinku dagaal ka fursan waayo.
Sheekh Yusuf Indha Cade waa hogaamiye diimeed leh Maleeshiya farabadan oo ku sugan Sh/Hoose,Muqdisho,Galgaduud waxaana hada
ugu dambeeyn qabsaday Magaaladda Baydhabo wuxuuna ka mid yahay axsaabta aanba aqoonsaneeyn Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha
Somaliya oo wuxuu ku tilmaama ama u yaqaan labada dabadhilif ee xabashida.
Maxamed Deeylaaf waa ganacsade weyn oo heeysta Maleeshiya farabadan iyo dhaqaale waxaa uuna awood badan ku leeyahay inta badan
goboladda Somaliya marka laga reebo Puntland.
Cabdi rashiid Shire Ilqeyte ayaa isagana awood weyn oo dhaqaale iyo mid gaashaandhigba leh waxaa uuna ka mid yahay ganacsatadda
xilligaan ugu caansan somaliya.
Maxamud Cumar Cadaan oo ah ninka gacanta ku haya Dekadda dabiiciga ah ee
Ceel macaan kuna heeyb ah Ra’isulwasaaraha ayaa isagga ah ninka Ganacsatadda beesha Abgaal ugu Maleeshiyadda iyo gawaarida
dagaalka badan wuxuuna si ba’an uga soo horjeedaa siyaasada ra’isulwasaare Geedi.
Bashiir Raage Shiiraar oo isagana ah ganacsade dhawaan isu bedelay hogaamiye kooxeed kadib markii uu dagaal la galay Maleeshiyadda
Hotel Global ee Minaay Xasan Shibis ayaa ah nin heeysta Ciidamo xoogan oo ku teedsan waqooyiga Muqdisho waxayna isku hadaf
yahiin Hogaamiye kooxeedka isku soo caanbixiyay Xirida Dekadda ee loo yaqaan Cabdi qaadir Beebe.
Cali Mahdi Maxamed oo ah Rug cadaa dagaalyahana oo ka mid ahaa Aas aasayaashii USC ayaa ka mid ah Xullufadda saluugsan ama
ka soo horjeeda in Ciidamo shisheeye dalka la keeno wuxuuna safka hore uga jiraa axsaabta diyaarka u ah inay qoriga caaradiisa
uga hortagaan Itoobiya hadeey soo gasho Somaliya.
Maxamed Faarax Jimcaale waxay dadka badankiis u yaqaanaan kiyaawo Ingiriis
waa hogaamiye dagaal oo can baxay waana siyaasi wax badan og lehna Maleeshiyo xoogan xeeldheerayaasha waxay ku tilmaamaan
ninka uu Jeneral Ceydiid uga dhintay guud ahaan maskaxdiisii siyaasadda waana mucaarad dabka ka cad oo dowladda Mbagathi u
yaqaan hergelintii 4.5 iyo Hamigii Itoobiyaanka .
Faarax Weheliye Cadow oo ka mid ah maalqabeenadda Somaliyed ee dhawan isu sharaxay Madaxweynaha Muqdishana ku leh Maleeshiyo
u gaara ayaa isagana la dhihi karaa wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta dhaqaalaha leh ee u diyaara inay damaca madaxweyne Yusuf
ka xigsadaan dagaal lagu hoobto.
Xuseen Xaaji Bood waa siyaasi rug cadaa ah kana soo jeedo beel xilligaan dhaqaalo heeysato laakiin lama hubo inuu dagaal geli
doono hadii xabadu bilaabato inkastoo uu ka mid yahay raga sida weyn uga soo horjeedo xitaa jiritaanka dowladda federalka
gaar ahaan faragelinta dowladda itoobiya
Maxamed Saciid Xersi Morgan oo ah Mujaahid dagaal yahan ah oo hada heeysta maleeshiyo fara ku tiris ah ayaa ka mid ah dagaalyahaniinta
isu diyaarinayo ka hortaga Ciidamo Itoobiyaan ah hadii ay soo galaan dalka somaliya taas oo uu isagga Morgan ahaan ku xumeeynayo
Madaxweyne Cabdilahi Yusuf.
waxaa kale oo aanan la dhayalsan karin Ganacsade Axmed Ducaale Geele Xaaf ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka
gacantana ku heysta maleeshiyo xoogan oo ka amarqaato.
waxba yaanan ka tagin Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isagga ah ninka kaliya ee gacanta ku haya maleeshiyadii USC SNA Cakaaro
hadana loo magacaabay dhawaan taliyaha boliiska Somaliyed.
ma ahan Mas'uul la yareeysan karo siyaasiga hada sii hayo xilka duqa Magaaladda Muqdisho Ibraahim Shaaweey oo sida la ogyahay
leh Maleeshiyo xoogan oo isagga u gaara.
Xildhibaan Jeylaani Cali Kediye waxaa uu ka mid yahay maalqabeenada Somaliyeed waxaa uuna si gaara u leyahay taageerayaal
Ciidaas ka badan oo leh maleeshiyo xoogan .
Marka la isu geeyo garabyadaan isku moowqifka siyaasadeed ah ee halka doon wada saran waxaa kaabayo Shariif Hassan Sheekh
Adan oo ah gudoomiyaha baarlamaanka awoodiisa ugu weyna ay tahay ku dagaalanka sharciga laakiin aan haba yaraatee hal gawaarida
dagaalka ah lahayn ,siyaasadiisa aanan hore loo arag taabagalnimadeeda laakiin u muuqdo nin mowqif adag oo ku dhegan halka
go’aan ee shacabka Somaliyed 82% qabaan .
Hadaba aanu dhanka kale ka eegno inta isku siyaasadda ah ee ka soo horjeedo
fikirka ay qabaan axsaabtaan aan kor ku soo xusnay.
1- Cabdilahi Yusuf Axmed oo ah Madaxweynaha Federalka Somaliya ,Maleeshiyo xoog badan oo taabacsana ay ku sugan yahiin guud ahaan
goboladda la isku yiraa Puntland lehna cod uu wax ku dalbado laakiin uusan u heeysan ansixin oo hoos yimaado baarlamaanka
275-ta ah ee ku dhisan qaab qabiileedka 4.5.
2- Cali Maxamed Geedi oo ah Ra’isulwasaaraha Somaliya ahna Aqoonyahan ku xeeldheer daweeynta Xoolaha laakiin aan lahayn
wax Maleeshiyo dagaal ah iyo dhaqaalo lacageed balse qabo rajo qeylo dhaan maleeshiyo ay isku beel yahiin hadii uu xaalku
xumaado ama weerar lagu qaado.
3- Sheekh Adan Madoobe hogaamiye kooxeed awood Maleeshiyo ku leh degaano ka tirsan Bay iyo Bakool ku soo caanbaxay Jabhaddii
RRA ahna Wasiirka Cadaaladda ee dowladda federalka .
4-Maxamud Sayid Adan Hogaamiye kooxeed laga yaqaan degaanadda Gedo iyo Garbahaareey
leh maleeshiyo hubeeysan laakiin aan taageero badan ka heeysan beesha uu ka dhashay ahna Wasiir ka tirsan dowladda federalka.
5- Cabdi Casiis Sheekh Yusuf hogaamiye kooxeed magac ku yeeshay mudadii uu socday dagaalkii Xeraale masraxa siyaasadana ku yimid
magaca Aabahii Sheekh Yusuf Xireed ,waxayna Maleeshiyadda taabacsani degaan ahaan heeystaan Xeraale,waana wasiirka Caafimaadka
dowladda federalka.
6- Cabdilahi Sheekh Cusmaaciil Aqoonyahan sheegto inuu taageero ka heeysto Magaaladda Marka laakiin aan heeysan wax maleeshiyo
ah marka laga reebo aqoontiisa dhinaca afka iyo diblomaasiyadda ah.
Cali Cabdulahi Cosoble siyaasi da’yar oo magaca Aabahii lagu aqoonsan
yahay Maleeshiyo iyo taageerayaal aad u yar oo ku heeyb ahna ku leh Gobolka Hiiraan.
7- Salaad Cali Jeelle oo ah hogaamiye kooxeed qarsoon leh maleeshiyo ku heeyb ah oo ka soo jeeda Sh/Dhexe ahna Wasiir ku xigeenka
Warfaafinta dowladda federalka.
Dr Hilowle Imaam Cumar waa leeyahay tira aan badneeyn oo Maleeshiya ah waxaa uuna huwan yahay magaca Imaam hasseyeeshee lama
rumeeysno inuu taageero xoogan ka heli doono beeshiisa hadii ay iska horyimaadaan garabyadda isku haya Somaliya laakiin waa
Xildhibaan ka tirsan Gollaha baarlamaanka Somaliya.
Intaas waxaa soo raaca Ganacsato aanan magacooda heyn oo taageersan siyaasadda mas’uuliyiintaan iyo Hogaamiye kooxeedka
Maxamed Dheere oo isaga ka taliyo qeeybo ka tirsan gobolka Shabeeledda dhexe lehna Maleeshiyo xoogan oo dagaalyahano ah ,Cabdilahi
Yusufna uu aaminsan yahay in Seefta uu ku leeynayo hogaamiyaasha dagaalka Hawiye Maxamed Dheere yahay.
Waa kale oo axsaabta uu horkacayo Cabdilahi Yusuf siyaasadooda taageersan dowladda Itoobiya oo ay isku haleeynayaan hadii
xaajadu dagaal looga fursan waayo.
Marka aan intaas sheego waxaa u baahan in meel gaara la dhigo labo Mas’uul
oo dowladda wasiiro ka ah.
Xuseen Maxamed Ceydiid Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha gudaha leh Maleeshiyo iyo taageerayaal xoogan
oo gacanta ku hayo gobo istiraatiiji ah balse aan la sheegi Karin cida uu la safan doono hadii Madaxda dowladda isku dhacaan
oo garabyadda hubeeysan iskala hortagaan qoriga caaradiisa waxaase aan shaki ku jirin in Maleeshiyadiisa ku sugan Xamar,Mudug,Galgaduud,Sh/Hoose
ay taabacsan yahiin kuwa ka soo horjeeda in dowladda la dejiyo meel aan xamar ahayn iyo in dalka la keeno Ciidamo ka socda
safka hore ee IGAD.
Xasan Maxamed Nuur Shaar gaduud Halgamaagii caanka ahaa ee Jabhadda RRA Aas aasay una noqday hogaamiye leh Maleeshiyo ka arrimiso
degmooyin ka tirsan Bay iyo Bakool ahna wasiirka Beeraha ee Dowladda federalka Balse aan la ogaan Karin dhinaca uu la safan
doono marka xaajadu xumaato maadama sida la ogyahay uu yahay nin dowladda itoobiya dharbaaxo xun ku dhifatay walina ka soo
kici la ,waxaana lagu tilmaami karaa la jiifiyaana banana la joojiyaana banana.
isku soo duub waxaa inta badan shacabka wadnaha farta ugu hayaa in garabyadaan
hubeeysan ee isagga soo horjeedo dalka Somaliya noqon doonaan dagaal ma huriyaal marka la eego sida dhan walba ugu dhegan
yahay intiisa la raaco laakiin dhanka gaashandhiga iyo degaanka kooxda ku badan waxaan u deeynayaa Aqristayaasha.
waxaad ka soo dhiiban kartaan fikirkiina qof waliba sida uu u arko iyo kooxda
idin la taya iyo tiro badan.
.com
waxa isku soo habeeyay
yaxye cali gurmad
gurmad05@hotmail
|