abc-network.jpg

Bogga Taariikhda

Home | Bogga Taariikhda | Bogga Sawirada | Bogga DHacdooyinka | Bogga jacaylka | Bogga Sugaanta

w

Musharax Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka sharaxan Xisbiga Kulmiye waa Kuma??
Sunday, 11 September 2005

   

Musharaxa Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu ku dhashay Gobolka Hargeysa sannadkii 1960-kii Waxa uu carruurnimadiisii ku barbaaray dhigashada Diinta Islaamka oo uu Quraanka Kariimka ka baranayay Malcaamad ku taalay magaalada Arabsiyo.

Waxbarashadiisa maadiga ah ee dugsiyada Hoose/dhexe waxa uu ku kala qaatay Dugsiyga Hoose magaalada Wajaale 1967-kii Dugsiga Dhexe magaalada Allay-baday oo uu ku dhammaystay Waxbarashadiisi Dugsiga Sare waxa uu ku dhammaystay Magaalada Burco, ee Gobolka Togdheer sannadku markii uu ahaa 1975-kii.

Sheekh Cabdicasiis Samaale, 1981 ilaa 1984-kii waxa uu waxbarashadiisa Jaamacaddeed ku qaatay Jaamacaddii Lafoole ee Soomaaliya. Sida oo kale waxa uu 1985-kii ilaa 1986-kii uu bartay Maamulka iyo maaraynta Machadkii sare ee Siidam.
Astaanta Musharaxu Waa Mandaraq

Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu dhoofay 1987-kii Dalka Yemen, halkaas oo uu joogay muddo toban sannadood ah, kana qabtay hawlo kala duwan. Cabdicasiis waxa uu dalka yemen ka noqday Macalin wax ka dhiga Dugsiyada Sare ilaa heer Jaamacadeed, Mudada u Yemen joogay waxa uu Guddoomiye ka noqday Xafiiskii Ururkii SNM ku lahaa dalkaasi Yemen.

Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale 1991-kii ilaa 1997-kii markii wadanka la xoreeyay waxa uu xubin firfircoonka ahaa guddiyo reer Somaliland ah oo dalka Yemen ka jiray, waxaanay abaabul u galeen sidii taageero ay u siin lahaayeen Dowladda iyo dadka reer Somaliland. Mudaddaasi uu Yemen joogayna waxa uu ku shaqayn jiray xirfadda Macalinimada iyo mid ganacsiba, Sheekhu wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha Xafiiska SNM ee dalka Yemen waxa uu kulamo heer Caalamiya kula kulmay Madaxweynihii dalka Yemen, Cali Cabdalle Saalax, sida oo kale waxa uu la kulmay Ra'iisal Baarlamaanka dalka Yemen, Sheekh Cabddala Xuseen Axmar, Madaxdaasi oo uu kala xidhiidhi jiray arirmaha Duplamaasiyadeed ee SNM-ta iyo Yemen.

Markii Sheekh Cabdicasiis dib ugu soo laabtay dalka waxa uu gacan weyn ka geystay Aasaaskii Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaana qayb Daraasaadka Islaamiga ah ee jaamacadda lagu barto, isla markaana uu Macalin ka noqday. Sida oo kale waxa Sheekh Cabdicasiis dib u furay Dugsigii Sare ee farsamada Gacanta ee Hargeysa, kaasi oo lagu barto culluunta maamulka iyo Maaraynta iyo weliba qaybtii farsamada gacanta.

Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale, 2002 bishi May, waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii Kulmiye oo uu xubin firfircoon ka noqday golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE. Cabdicasiis waxa uu labadii doorasho ee dalka ka dhacay ahaa Guddoomiyaha kaambaynka ee Xisbiga Kulmiye, waxaana maamulkiisi iyo garaadkiisii hoggaamineed lagu miisaami karaa kaalintii adkayd ee uu Xisbiga KULMIYE ugu babac dhigay xisbiga talada iyo awooda dalka haya ee UDUB.

Sheekh Cabdicasiis waxa uu muddo hayay Guddoomiyanimada Xisbiga KULMIYE oo uu ku sii sime ka ahaa kana qayb galay kulamo waaweyn oo ay la yeesheen wufuud heer Caalamiya oo Somaliland timid. Cabdicasiis kuma eka oo kaliya xagga siyaasadda ee waxa uu dhinaca kalena hormood ka yahay Culimada waaweyn ee dalka, waxaanu kaalin weynka qaatay arrimaha diinta ee dalka Somaliland

Wakhtigii Dastuurka la sameeyay waxa uu ka mid ahaa Culimadii sida weyn u taagertay Dastuurka. Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu iminka u sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada, oo uu ka sharaxan yahay Xisbiga KULMIYE, waxana laga soo sharaxay Gobolka Hargeysa. Musharaxa Cabdicasiis waxa uu dadweynaha Gobolka Hargeysa uu kalsooni iyo ballanqaad ku siinayaa, haddii ay u doortaan xubin Golaha Wakiilada Somaliland ah in aanu waxba ka hagrandoonin aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa oo uu si daacadnimo leh ugu shaqayn doono.

5.jpg

Bogga Taariikhda
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha  hana moogaanina ee sifiican ula socda !!!!!
DIyaariye :Cabdi Qani Mataan Gaaxnuug (SAALAX)

Curriculum Vitae
Taariikh Nololeed

Ahmed M. Mohamoud Silanyo

January, 2003
KULMIYE PARTY

Axmed Silanyo

 

Education:

  • Boarding Schools: Sheikh and Amoud (1946-1957)
  • Completion of education up to a Secondary Level.
  • Advanced Level: GCE Examinations, London (1958-1960)
  • University of Manchester, England -Honors Bachelor's Degree in Economics (1960-63)
  • University of Manchester, England - Master's Degree, Economics (1963-65)

Working Experience:

 

1965 - 1969: Senior official at the Ministry of Planning and Coordination, Mogadishu, Somalia.

Positions held included: Head of Economic Planning Services; Director, Development Planning Department; and director general for the Ministry.

1969-1973: Minister of Planning and Coordination

1973 - 1978: Minister of Commerce

1978 - 1980: Chairman of the National Economic Board

1980-1982: Minister of Commerce(for the second time)


Seminars, Symposia, Conferences and Training Programs:

  • Participated in wide ranging forums relating to different aspects of development in various parts of the world such as America, Soviet Union, UK, Switzerland, France Germany, India, and a number of African Countries.
  • Also participated in a number of training programs under United Nations auspices including UNITAR, UNIDO, Economic Commission for Africa and so forth.
  • Benefitted from a Leadership grant related to the development field, visiting different organs of state and federal government and regions throughout the United States organized by the Afro-American Institute.


International Conferences:

  • Attended sessions of the United Nations, OAU, Arab League, as well as Islamic and Non-Aligned Movement conferences.

Leader of Somali delegation to:

  • UN Special Sessions in New York;
  • OAU and Arab League, EEC-ACP, Ministerial Meetings, as well as to many countries throughout the world;
  • Non Aligned Conference in Lima, Peru 1976;
  • UNCTAD in Nairobi, Kenya 1977.


Role during the Struggle to the present day:


1982-1984: Chairman of Somali National Movement (SNM), UK Branch.

  • Established offices and organized SNM committees throughout Europe, North America and the Arab world.
  • Raised international awareness of the liberation movement and the brutality of the Siad Barre regime against his own people through representations to international human rights groups, the press media, various European government bodies, including the British parliament and the European Inter-parliamentary Union, as well as relevant organizations in the Arab and Islamic world.
  • Embarked on a program of recruitment of important southern personalities and groups to join the SNM movement.
  • Lectures and presentations to the international academic world. Gave lectures at various Universities and relevant forums throughout the United Kingdom and the United States.

1984-1990: Chairman of Somali National Movement (SNM)

  • Longest serving Chairman and in command throughout the most tumultuous, expansive and decisive period of the movement.

In 1984, the struggle was nebulous and at its infancy. The period was one during which the movement was being steered through its most trying period. Momentous events during this period included, but not limited to:

  • The first major, simultaneous and coordinated invasion of the SNM troops into the mountainous regions of Somaliland (October 1984).
  • Major expansion of SNM fronts in the southern as well as the northwest regions (Awdal).
  • The agreement between the Siad Barre regime and Mengistu was at one point expected to bring the whole struggle to its knees. But SNM masterminded the famous invasion of 1988, which proved to be the death-blow of the Siad Barre regime.
  • Peaceful transfer of power in a spirit of unity at the 1990 SNM congress (i.e., the last ever to be held).

1990-1996: Various Roles:

  • Attended and played a key role at the Congress of Somaliland representatives in Burao in May, 1991 where Somaliland re-established its sovereignty.
  • Initiated and organized the famous Forum For Peace which brought about the ceasefire agreement between the warring parties in the so-called Xarbal Aqnam war around Berbera in 1992.
  • Initiated the movement which brought about an end to the internal war of 1996 which ended at Beer in the Burao region where formal agreement of cessation of hostilities was finalized and exchange of prisoners was undertaken.

1993-1997: Member of the House of Representatives.

1997-1999: Minister of Finance, Somaliland

Achievements included:
  • Masterminding an end to the run away inflation that threatened the economy of Somaliland;
  • Resolved the vexing problems of ration supplies to the armed forces;
  • Initiated a program of fiscal reform.

1999- 2000: Minister of Planning & Coordination, Somaliland

Achievements included:
  • Establishment of mechanisms for the coordination of aid programs between the government and the foreign aid community.
  • Initiated the formulation of a three-year development plan.
  • Organized well-attended conference on aid for Somaliland at the international level for the first time in Hargesia.
  • Attended and addressed the SACB (Somalia Aid Coordination Body) in Nairobi, Kenya--the first Somaliland government Minister to do so.
  • Led Somaliland government delegation to meet World Bank and IMF representatives in Nairobi.

Year 2000 -2002: Various Roles:

  • During the period of working with President Egal, played an important and decisive roles as a mediator in preventing crisis with respect to incidents relating to the relationship between Djibouti and Somaliland, Somaliland and Ethiopia, SNM veterans and the Egal regime, House of Representatives and Egals government.
  • Spent a period abroad giving talks and addressing the Somaliland communities in the disapora in Europe and the United States raising awareness on the achievements and developments of the country.
  • On return to the country, mounted a campaign to resolve a national crisis between the Egal regime and the opposition forces, which came close to starting a fresh round of fighting in the country.

2002- Present: Chairman of The Kulmiye Party

  • The youngest political organization in the country established in early 2002. Within a short period of time, it emerged as one of the most active and prominent political organizations in the country.
  • It initiated carrying the campaign to the countryside and the rural areas.
  • It pursued a no smear campaign policy towards other political parties, public education on the merits of the multiparty system and the democratic process, as well as the vital importance of conducting a peaceful election.
  • The only party, which appointed a woman Vice-Chair.
  • It was rewarded for this overall policy by being voted second overall nationally after the incumbent government party.

. Mohamed H. I.cigaal..

La soco Taariiqda Madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada Somaliland (Cigaal )

Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu tahay ku dhowaad siddeetan sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal Wasaare lixdamaadkii.
Mohamed H. Ibraahim Cigaal)

Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.

Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.


Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.

Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.

1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.

10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma'arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.

Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .

21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land.

Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.

 waxaa la soo gaadhay 1993 May, goortaasi oo uu xilka la wareegay alla naxariisti janno ha ka waraabiye Madaxweynahii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ahaa hogaamiyahii ku guulaystay inuu nidaamka dawladnimo ee Somaliland gaadhsiiyo badiba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan, hadaba iyada oo ay sidaa tahay, ayaa Marxuum cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiye wuxuu geed gaaban iyo ku dheerba u koray sidii cuqaasha reer laascanood loo qancin lahaa waxaa loo diray reer Sool wufuud kala gedisan oo kala soo xaajoota bal waxay tabanayaan, waxaa loogu yaboohay in wax alla iyo wixii taag iyo taakulo ah ay walaalohooda reer Somaliland kala mid noqdaan, oo ay shacabka reer Somaliland meel wal oo ay joogaan diyaar ula yahiin in ay kala mid noqdaan xanuun, hagardaamo, horumar iyo horusocodba, balse nasiib darro akhristow taasi laguma guulaysanin, waxaa sida caadada u noqotay cuqaasha reer Sool oo lagu yaqiinay inay yahiin dadka ugu caqli galsan reer Somaliland ay bilaabeen inay ku socdaan hanaan farda badan fuulnimo ah, waxay ka soo jeesteen muraayado farabadan oo midba dhinac laga daawado, balse su,aasha meesha imanaysa waxay tahay Maxaa ay reer Somaliland ka kale reer Sool uga baahanyahay? 

xaqiiqdii markaan duurgal farabadan ku sameeyey ee aan guntiga dhiisha iskaga dhigay ayaa waxaan ogaaday in haba yaraate iska daa wax kaloo in irbada caradeed waxtar ah aan Somaliland ka soo gelin reer laascanood, waxaan sidaan warbixin ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee Somaliland ka dheehday ku qiyaasay hanti dhan 1000,000 $ dollarka maraykanka ah lagu kharash gareeyey cuqaasha reer Sool sidii loola xaajoon lahaa, waxaa hadaba iyaduna meesha imanaysa oo la isweydiin karaa Maxaa reer Somaliland ku kelifay inay ka go,antahay laascanood inay tahay meel somaliland ka mid ah? akhristow sideedaba sidaad ogtahay taariikhda cidina ma masaxdo lama duugin karo cidina been kama sheegi karto, waxaa jirtay in qaaraddan africa muddo haatan laga joogo laba boqol oo sanno ay gumaystayaal kala gedisani qaybsadeen, gumastayaashaasi oo u sad dhigay xuduud (boarders), dhamaanba deeganada iyo dawladaha ku ceegagan qaarad weynta africa, taasi oo jamiciyadda quruumaha ka dhexaysaana qalinka ku duugtay in sidii gumaystahu u dhigay xuduudaha africa aan dib looga noqon karin lama taabtaanna tahay. hadaba waxaad odhan karta shacabka reer somaliland oo ilaahay ku manaystay caqli farabadan iyo foojignaan dheeraad ah ayaa iyaga oo aan marnaba adeegsanayn xoog iyo xeelad militery waxay ugu yabooheen walaalahooda reer Laascanood in ay xushmeeyan qodobada iyo qaraarada caalamiga ah ee qaramada midoobay runtiina taasi waxa ay ka midho dhashay ka dib markii dhawaan suldaano, cuqaal, garaado, iyo siyaasiyiin reer Somaliland ahi ay ku qaateen muddo bil ah in ay hawlo nabadeed dhex dhexaad ka gelaan, wada xajoodna ka gelaan sidii looga wada hadli lahaa arrimahaasi, ilaahay mahadii waa lagu guulaystay waxaana laga soo saaray bayaan loo wada dhanyahay. hadaba waxaa iyaduna meesha iman karta hadii taasi lagu guulaystay maxaa meeshaba keenaya in maamul goboleedyar oo jiritaankiisuba saqiiryahay ku loolamo gobolka sool? waxaan jecelahay inaan faallo kooban ka bixiyo arrintaasi.

Diiradda Waagacusub:Siyaad Barre of Somalia

 Diiradda Waagacusub Online (Somalia)

Qaybtii 1-aad:

Ka dib markii ay dalkii Soomaaliya ka dhacday doorashooyinkii baarlamaanka ee 1969-kii oo aad laysugu khilaafay, isla markaana musuqmaasuq baahay khalkhal wayn keenay, ayaa waxyaabahaas waxa lagu eedeeyay xukuumadii waqtigaas dalka ka talinaysay.

Ciidamada milatariga oo dadku taageero xoog leh u hayeen, ayaa la wareegay awooddii dalka, ka dib markii uu mid ka mid ah ilaaladiisii dilay madaxweynihii dalka ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ciidamadii dalka inqilaabka ku qabsaday oo uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxay so o af-jareen sagaal sannadood oo xukuumado shicib ahaa ay Soomaaliya ka soo talinayeen.

Wixii loo yaqaanay golihii sare ee kacaanka (SRC), ayaa u doortay Siyaad Barre inuu noqdo madaxweynihii dalka. Golahaas oo ka koobnaa 27 xubnood, ayaa balantoodu waxay ahayd in ugu yaraan shantii ugu sareeyay oo Siyaad Barre ku jiraa midkoodba mar qabto hogaaminta dalka. Balse, Siyaad Barre wuu ka talaabsaday taas oo dhexduu ku duubtay masuuliyaddii kursiga. Markii ay arkeen in balantii uu ka baxay Siyaad Barre ayay saraakiil ka mid ahaa golahaasi ka horjeesteen nidaamkaas, balse nasiib darrada dhacday waxay ahayd in dilkii saraakiishaas badiba dadweynuhu u arkeen rag cadow ku adeeganayay, taas oo ahayd borobagaandihii dowladu hadoodilaysay.

Midowgii Soofiyeetiga oo horeba xidhiidh ula lahaa Soomaaliya ayay xukuumaddii Siyaad Barre-na heshiis dhow la yeelatay, ka dib markii ay SRC-du qaadatay nidaamkii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, iyada oo aanay Soomaaliya qaadan karayn inay hanaankaas ku dhaqanto.

Ujeedooyinka xukuumadii Siyaad Barre, waxa ugu horayntii ka mid ahaa in dadka lagu jeediyo wax soo saarka dhinacyada beeraha iyo kaluumaysiga. Waxa kale oo meesha laga saaray goboladii hore ee uu dalku ka koobnaa, waxaana la magacaaba gobolo cusub, iyada oo isla markiiba loo kala diray badhsaabyo cusub oo milatai ahaa. Si loo hirgaliyo mabda’a uu Siyaad Barre qaatay waxa la sameeyay ciidamo loo yaqaanay “Guul-wadayaal”, kuwaas oo macne ahaan looga dan lahaa inay bedelaan hogaamiyeyaal dhaqameedka. Siyaad barre waxa uu meesha ka saaray shuruucdii xaqa u siinayay in qabiilooyinka uu u kala soocnaado dhul beereedka, daaqsinta iyo biyuhuba. Wuxuu cirka ku laalay magta la kala qaato marka uu dil yimaado.

Dhamaan waxyaabahaas wuxuu ku burburinayay jiritaanka hogaamiyeyaal dhaqameedka, waxaanu ku doonayay in isaga uun lagu xidhnaado, sidoo kalena wuxuu ku wiiqayay awoodaha diinta Islaamka.

Inkasta oo uu Siyaad Barre qaatay hanaankii dhagaraysnaa ee Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan oo aad uga soo horjeeda shuruucda Islaamka, ayaa isku deyay inuu majare habaabiyo Diinta Islaamka. Kaligii taliyihii macangaga ahaa wuxuu bilaabay horaantii 70-naadkii inuu abuuro shabakad wadaado ah oo loo yaqaanay Suufiyo, kuwaas oo uu kaga hortagayay koboca aqoonta diinta Islaamka.

Waqtiyadaas waxa uu sare u qaaday buunbuunin badana lagu sameeyay taariikhdii Maxamed Cabdule Xasan. Waxaana lagu sheegay in waddaadkaasi uu ahaa kii wax soo baray inta badan waddaada maanta jira, isla markaana uu ahaa halka ay ka soo bilaabantay (waddaada xerowgu).

Ka dib markii lagu guulaystay qoraalkii Afka Soomaaliga, ayay xukuumaddii Siyaad Barre, waxay olole balaadhan ku qaaday cidhibtirka jahliga, waxaana dalka laga hirgaliyay dhismaha dugsiyo hoose, dhexe iyo sareba iyo waliba Jaamacad.

Sannadihii hore golihii SRC-du waxay awooda saartay sare u qaadista tacliinta iyo dhaqaalaha, balse intii ka dambaysay badhtamihii 70-naadkii waxay u janjeedhsadeen dhinaca siyaasadda. Inkasta oo SRC-du ku dhawaaqday inay aaseen qabyaalada, hadana qabiilkii uu ka soo jeeday Siyaad Barre ee Mareexaan iyo labada qabiil ee kale ee uu ku xidhnaa wuxuu ka abuuray Hacdi loo yaqaanay MOD (Mareexaan-Ogaadeen-Dhulbahante), kuwaas oo kala ahaa qabiilkiisii, qabiilkii hooyadii ahayd iyo qabiilka uu ahaa inankii uu sodoga u ahaa ee Axmed Saleebaan Dafle.

Mar uu Siyaad Barre booqday badhtamihii 70-naadkii qaar ka mid ah dalalkii Midowgii Soofiyeetiga, wuxuu ku dhawaaqay sinaanta dumarka iyo ragga, taas oo keentay in waddaadadu aad uga horjeestaan.

 Nasiib darrada dhacday waxay ahayd in Jeneraal Siyaad Barre ka doorbiday mabda’ii hantiwadaaga diinta Islaamka. Waqtiyadaas wuxuu si xaqdarro ah amray in la toogto waddaadadii xaqa sheegay.

 Mucjiso wax lagu qaadan karo ayaa waxay ahayd in isla maalintii dilkaasi dhacayba la kiciyay laba miig oo u dabaaldegayay maalinta sinaanta ragga iyo dumarka, balse labadooduba ku dul burburay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, markii hore golihii SRC-du waxay mamnuucday dhamaan xisbiyada siyaasada, laakiin sannadkii 1976-kii ayay sameeyeen wixii loo yaqaanay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, kaas oo ku sheegay Siyaad Barre in awoodaha lagu qaybsan karo, balse xaqiiqadu isaga ayuun bay gacanta ugu jirtay.

Jabhado hubaysan oo xukuumaddii Siyaad Barre ka abuurtay Ogaadeeniya ka dib dagaal balaadhan oo rasmiya ayaa labada dal ka dhex bilowday sannadkii 1977-kii, dagaalkaas oo khasaare ba’an keenayna wuxuu dhamaaday sannadkii 1978-kii, inkasta oo ay weli sii socdeen dagaalo googoos ahaa oo xuduudaha ka socday.

Soomaaliya dagaalkaas waxay ku wayday in ka badan 10,000 oo askari iyo kumanaan qof oo shicib ahaa. Sidoo kalena waxa ku barokacay dad gaadhayay 650,000 oo qof oo isugu jiray Oromo iyo Soomaali, kuwaas oo la dejiyay waqooyigii Soomaaliya.

Isla sannadkii 1978-kii, ayuu Siyaad Barre dalka ka saaray ciidamadii Soomaaliya ka joogay Soofiyeetiga. Sidoo kalena sannadkaas waxa dhacay isku-daygii inqilaabkii ay hormuudka u ahaayeen Kornayl Ciro iyo C/laahi Yuusuf. Markii la qabtay dhamaan raggii inqilaabka ka dambeeyay ayaa dhegta dhiiga loo daray.

Dhaqaalihii waddanka ayaa dhulka galay, ka dib markii ay dhaceen abaaro ba’an, isla markaana uu Siyaad Barre maaliyad faro badan u isticmaalay iibsiga qalabkii milatari iyo hubkii kaga baaba’ay dagaalkii Itoobiya. Ka dib markii ay meesha ka baxday, ayaa xukuumadii Siyaad Barre waxay u baahatay cid u bedesha Soofiyeetigii, waxaanay xidhiidh la yeelatay Maraykanka. Laakiin Maraykanku umuu baahanin muhiimada ay Soomaaliya u lahayd ilaa laga gaadhay sannadkii 1979-kii oo uu dhacay maamulkii Shaaha ee Iiraan, markaas oo uu Maraykanku u baahday inuu helo meel uu ka difaaco gacanka Beershiya iyo Badweynta Hindiya.

Tabobarada ciidamada iyo caawimada hubka noocyadiisa kala duwan ayay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Maraykanku, halka uu Maraykanku sidaas ku bedelanayay isticmaalka dekedaha iyo Eeriboodyada xilliyada ay dhibaatooyinku jiraan.

Dhinaca kale, tiraddii ciidamada oo aad sare ugu kacday ayaa keentay in dhaqaalihii waddanku dhulka galo, sababta oo ah kala badh dhaqaalaha dalka ayaa loo isticmaali jiray ciidamada.

Siyaad Barre wuxuu olole balaadhan ku qaaday qabiilka Majeerteenka oo loo tiriyay inay u badnaayeen ciidamadii inqilaabka isku dayay. Ciidamadii duub-casta loo yaqaanay ayaana loo adeegsaday baabi’inta dhulka ay qabiilkaasi degaan, iyada oo waliba laga saaray xukuumada lana xidh-xidhay badiba dadkii xukuumada kaga jiray reerkaas. Taasina waxay keentay in dhowr kornayl oo reerkaas dibada uga baxsaday sameeyaan jabhaddii SSDF oo dagaal hubaysan kala soo horjeesatay nidaamkii Siyaad Barre.

Sannadkii 1981-kii ayaa ururkii SNM lagu sameeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ka dib markii ay xukuumaddii Siyaad Barre caddaadis adag saartay meelaha ay degaan qabiilka Isaaqu.

Sannad ka dibna, waxay xarumo ka samaysteen magaalada Dirirdhabe ee dalka Itoobiya, waxaanay bilaabeen dagaalo goriilayn ah oo ay ka wadeen gudaha dalkii Soomaaliya, gaar ahaan goboladii waqooyi.

Ololihii uu Siyaad Barre kaga soo horjeeday qabiilka Isaaqa ayaa noqday kii ugu xumaa ee uu galo, marka lagu daro xasuuqyaddii dhacay sannadkii 1988-kii iyo waliba burburintii magaalooyinka, kuwaas oo ay ugu khasaare badnayd magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen ilaa 10,000 oo qof. Talaabaddii saddexaad ee isir baabi’inta qabiilooyinka Siyaad Barre wuxuu ku weeraray Hawiyaha, taasina waxay keentay inay samaystaan jabhaddii hubaysnayd ee USC oo taageero ka heshay SNM.

Sidoo kale qabiilka Ogaadeenka oo uu Siyaad Barre ka haystay taageero badan, ayaa waxa ka caraysiiyay heshiiskii nabadeed ee uu la galay Itoobiya iyo iyaga oo u tirinayay in isagu uu masuul ka ahaa jabkii ciidamadii Soomaaliyeed ee dagaalkii Itoobiya. Sidaas darteed, iyana waxay sameeyeen jabhaddii SPM sannadkii 1985-kii, kuwaas oo sidoo kale taageero ka helay SNM.

Saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay ayay saddexda jabhadoodba oo ay dagaalo kala horjeedeen ciidamadii Siyaad Barre, waxay ku hantiyeen dhul badan oo gudaha dalkii Soomaaliya ahaa.

Sannadkii 1989-kii oo Siyaad Barre uu u noqday nin Muqdisho maayar ka ah, ayaa mudaharaad lagaga soo horjeestay waxay ciidamadiisii duubcastu ku xasuuqeen dad gaadhayay 450 qof. Intaas ka dib ayaa hogaamiyeyaal dhaqameed isu tagay, waxgarad iyo siyaasiyiin cid walba leh waxa ay sameeyeen gole loogu yeedhay golaha badbaadinta qaranka. Bishii May ee sannadkii 1990-kii ayay soo saareen qaraar qoraal ahaa oo Siyaad Barre ugu baaqayay is-casilaad iyo in awooda lagu wareejiyo xukuumad ku meel-gaadh ah oo mucaaradkuna ka dhex muuqdaan iyo waliba in la cayimo xilli doorashooyin madaxbanaani ka dhacaan dalka. Waxa la yaab lahayd in Siyaad Barre amray xadhiga dhamaan 114-kii qof ee saxeexay qaraarkaas, balse xaalada oo iska cakirnayd iyo awood darrida ka muuqatay ciidamadiisa awgeed waxa la xidhay 45 ka mid ah dadkaas, kuwaasna markii dambe caddaadis badan oo dibada laga saaray awgood ayaa loo sii daayay.

Ugu dambayntii iyada oo dowladdii Siyaad Barre hore u dhacday, isla markaana ay is-wada taageen dhamaan hay’adihii shaqada oo uu burburay amarkii iyo kala dambayntii ayuu Siyaad Barre ka baqoolay magaalada Muqdisho 27-kii Jan 1991-kii. Wuxuu gabood ka dhigtay deegaankii qabiilkiisa, waxaase wax laga naxo ahayd inuu mar kale isku dayo dib-u-qabsasho meeshii awooda lagaga soo muquuniyay.

Jab wayn ayaa ka soo raacay isku daygaas, waxaanu Siyaad Barre galay dalka Kenya, halkaasna wuxuu uga sii gudbay waddanka Nayjeeriya. Aakihrkiina magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya ayuu ku geeriyooday sannadkii 1995-kii.

W/Q Mussa Faarax Jambiir.

Tafatiraha Wargeyska Ogaal.

La soco qaybaha dambe ee Siyaad barre waxaanse ka soo hor marin doonaa Mabuto Zeko Zeko iyo Madaxweyneyaal kale oo Afrikaan ah kuwaas oo noloshooda ceeb ku aaqirsaday.

FG: Ujeedka qoraalkaan wuxuu yahay mid lagu ifinayo ugu dambayn dhaxalka kaligii taliyaha,cid gaar ahna laguma xumaynayo

Diirada Waagacusub: Shah OF Iran Boqorku wuxuu amray inay qof waliba u banaan tahay waxay naftiisa jeclaato,wuxuuna xalaaleeyay tumashadda  Riix

Diiradda WaagacusubSAMUEL DOE OF LAYBERIA sidee u dilay hogaamiyahii uu taladda ka qabsaday William R. Tolbert? Isaguse ma filayay in cad cad loo jar jari doono?  Riix

Diiradda Waagacusub:

IDI AMIN DADA OF UGANDA maalmahiisii qaraarka iyo macaanka Riix

Who is Cabdiraxman Aw Cali?

 

Sadly, the fallen heroes are already out of mind and the veterans are marginalized. Worse yet, Somaliland has handsomely rewarded the (“faqash”), by design, those who resisted the Somali National Movement (SNM). It is sad. For over a decade, the brutal dictator of Siyad Barre with one of the largest army in Sub-Saharan Africa under his command has bombarded and shelled the cities and innocent civilians of Somaliland without mercy. Cabdiraxmaan Aw Cali FaaraxCabdiraxmaan Aw Cali Faarax
As if that wasn’t cruel enough, he hired mercenaries from South Africa to finish the job; but it was not meant to be. The SNM Mujahidiin have fought to the last drop and defeated the despot. Like any other war, the victory was achieved with blood and lots of it. Mujahid Lixli, Axmed Dhagaq, Koodboor, maxamed Cali, Cali Jowher, ina koosar are only few of the fallen heroes. Out of respect one would think Somaliland would at least assign a day for the remembrance of the fallen Mujahidin and the veterans. Rather, the Mujahidin are endangered species and that is a shame. Fortunately, it appears the days of the “faqash” are numbered and that Somaliland would soon pay tribute to their heroes and heroines. The Kulmiye Party central Committee has recently elected Cabdirahman Aw Cali, a veteran, as its candidate for the vice-presidency. I find this a fitting occasion to remind us who Cabdirahman Aw Cali is?

The SNM veterans have endured isolation, hunger, thirst, bodily harm and injuries and loss of comrades but Mujahid Cabdirahmaan Aw Cali has endured more. The Mujahid was shunned, excommunicated, stigmatized and ostracized for breaking ranks with his primary social base, the clan (even though a good number of the Mujahid’s clan supported the Movement, he was the only one in the SNM military wing; I stand corrected). Moreover, the Mujahid endured the derogatory remarks directed at him whenever tempers flared.

The Somaliland familial and clan structure is deep rooted and those who break away from the tentacles of that octopus and sever that bond are few who have attained a state of mind and inner peace within themselves. The Mujahid has trusted his moral judgment and for health and for sickness, remained a staunch Mujahid. The SNM Mujahidiin as a group was selfless brave men/women with determination and Cabdirahman Aw Cali typifies and embodies that spirit and more. Mujahid Cabdirahman is independent minded leader and not a follower. His character and integrity is beyond reproach and his loyalty to Somaliland is beyond doubt. His conscious is clear and he has no chip on his shoulder.

Many believe that Cabdirahman Aw Cali would have been the President of Somaliland today if he kowtowed to Egal. Mujahid Cabdirahman isn’t a man easily intimidated. His classmates found that out early in life at the hockey-play ground in Sheikh Secondary School; Siyad Barre and his formidable evil forces found that out when the Mujahid met them at the battle ground; some of his clan found that out when he challenged their conscious and Egal found that out the hard way. For the record, it is worth mentioning that Egal was forced to pick SNM Mujahid as his running mate by the SNM Mujahidiin who called him from exile and later nominated him for the candidacy of the Presidency. Between the SNM group, Cabdirahman was the consensus and hence Egal had no other option. This time Egal was a man in need and his tendency to pick the weak was thwarted. The Mujahid who defeated the well-armed Siyad forces wasn’t about to pander to Egal’s dominance and prominence. He firmly stood on his ground and Egal made no secret of his plan to drop Cabdirahman off the ticket next time around. In spite of that threat, Cabdirahman refused to flinch. As a man of principle, he continued tabling the proper course of action to resolve the impending issues without fear and reservations. Once again, Mujahid Cabdirahman Aw Cali listened to his heart and not his head. Indeed, he is a man of conviction. That is Cabdirahman Aw Cali but who is Ahmed Yassin?

True to his political dogma of picking the least qualified as his subordinate, Egal choose Rayaale as his running mate, a close relative of Abdirahman, after finding out that Cabdirahman Aw Cali wasn’t a YES man. As usual, the Gurti rubber-stamped Egal’s choice and the rest is history.

Today, as a result of Egal’s choice, Somaliland is breaking at the seams. The hope for recognition is fading, the ban of livestock export is standing, the Ethiopian border is still closed, owners of the goods and other property Ethiopia confiscated aren’t being compensated, the border skirmishes are alarmingly getting more frequent, Sool is off limit to elections, corruption is being legitimized and criminal activities are increasing by the day. Additionally, the term of the two Houses is coming to an end on May and the election laws haven’t been commissioned yet much less earmarking resources for the upcoming milestone. And guess what? The fear is another extension is inevitable. There is slew of other issues including the budget hemorrhaging in red and the embattled President, which illustrates that the President of the Nation is incapable of governing. Obviously, the President is weak and by extension Somaliland is weak. The result: Peace and stability, the hallmark of Somaliland is in danger.

But hope is on the way, in light of this paralyses and fear, Mujahid Mohamed Ahmed Mohamoud (Siranyo) and Mujahid Cabdirahman Aw Cali as a team is determined to resuscitate and rescue the country once again. Compare this team with Rayaale and Ahmed Yassin. No chance.

 

TAARIIKHDII DADKII SOMALIDA UGU CAAN SANAA       waataan taariikhdii sayidka gabadh soomaliyeed Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.


Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.


Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa.


Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura" oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.


Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta "Taleex" 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah

Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane",Waxaana la sheegay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii"scw" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo

Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey "Kud quraan". maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.

Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa'ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi "Cilmigii Abokor-fooldheere" ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan "Cilmiaale" oo afka carabiga furaha u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille.



LASACO

 
sawiradani waa madaxdii somaliya ugu horaysay markii ay ka qaadatay xornimadeedii gumaystayaashii reer galbeedka1960..
 
 
Ninkani waa madaxwaynihiin ugu
danbeeyey ee yeesho dalka somalia
madaxwayhani wax uu dalka ku qabsaday
doorasho ka dhacday dalka jabuuti (CARTA)
 
 
 
 
 
 
 
Farax daaqaya (@Ahmed)Hal lammaanHal daaqaysaAdhi daaqayaBurco Hospital, Click to view more imagesBurco Hospital, Click to view more images 


Taariikhdii dadkii ugu caansanaa Somalida !!!

Ninkani waa Sayid cabdikariim sayid Maxamed Cabdulle Xasan from www.freewebs.com/cadceed/index.htm  ka fiir wax badan oo ku saabsan sayid cabdikariim maxamed cabadule xasan

Dhamaan dadkan aad arkayso waa saraakiishii Somalida ugu caansanaa sida aad ka dhex aragtaana waxa ku jira madaxwaynihiin sedexaad ee somalia Mohamed Siyaad Barre. www.xidhinta.tripod.com


 

 

 
 
. Mohamed H. I.cigaal..